HRW: Dib u habeynta Sacuudiga waxaa barbar socota jirdil, xarig iyo dil

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa warbixin ka kooban in ka badan 60 bog kasoo saartay xaaladda Sacuudiga.

Ugu horeyn, waxay soo dhaweysay dib u habeynta uu ku dhawaaqay dhaxal-sugaha Boqortooyadda Maxamed bin Salmaan.

Balse waxay saluug ka muujisay "waxyaabaha daaha gedaashiisa ka socda" oo ay kamid tahay xariga, dilka, jirdilka iyo cabsi gelinta.

Humar Rights Watch ayaa shaaca ka qaaday in dib u habeynta ay wehliso "cadaadin qoto dheer iyo ficilo xadgudub ah".

HRW ayaa sheegeysa in Riyadh ay si gaar ah u beegsato qoysaska qurba joogta iyo u doodeyaasha xuquuqda bini'aadamka ee caanka ah.

Xukuumadda ayay hoosta ka xariiqay in ay adeegsato tiknoolajiyad casri ah si ay u jebsato akoonada iyo telefoonadda shaqsiyaadka kasoo horjeeda.

Howlgaladan ayaa yimid markii uu xafiisku yimid Bin Salmaan, kaasoo dumarka u fasaxay kaxeynta gawaarida iyo in ay qaataan Baasabooro.

"Wuxuu diiradda saarey arrimaha madadaaladda, balse dib u habeynta Sacuudiga kuma saabsan xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira," ayay raacisay.

Dilkii wariye Jamal Khashoggi ayay xustay in ay ka dambeeyeen saraakiil kamid ah sirdoonka Sacuudiga inkasta oo Bin Salmaan beeniyay in uu door ku lahaa.

Sikastaba ha ahaatee, warbixintan ayaa kusoo aadeysa xili ay xabsiyadda Sacuudiga ku jiraan dad caan ah, kuwaasi oo dowladdu u heysato eedeymo kala duwan.

Salman al-Awdah, oo ah wadaad/sheekh caan ka ah gudaha Sacuudiga, ayaa xiran tan iyo bishii September 2017, wuxuuna wajahayaan dil toogasho.

Loujain al-Hathloul, oo u ololeysa arrimaha xuquuqda dumarka aadna loo yaqaano, ayaa xabsi ku jirta tan iyo bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM