Maraykanka oo looga digay in Caasimadda Israel u aqoonsado Qudus

Image

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaya in Caasimadda Israel loo wareejiyo magaalada Qudus oo ah dhul ay leeyihiin Falastiiniyiintu, balse lagu qabsaday dagaalkii Bariga dhexe ee sannadkii 1967-dii.

Qorshahan, waxaa dabada ka riixaya Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Donald Trump, kaasoo wacad ku maray xilligii ol'olaha in Tel Aviv laga rari doono safaaradda Maraykanka islamarkaana caasimad laga dhigi doono magaalada Qudus. Tallaabadaas Trump wuxuu ballanqaaday inuu ku dhaqaaqi doono marka ugu horaysay ee uu tago xafiiska.

Balse arrintan oo la filayo in maalmaha soo socdo dhacdo hadii aan wax laga badalin, waxaa walaac ka muujiyay hogaamiyaha Falastiin Maxamud Cabbaas, kaasoo la xariiray hogaamiyaasha caalamka.

Xafiiskiisa Cabbaas, ayaa sheegay in uu Axaddii wacay hogaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

"Maraykanku ha faahfaahiyo halista go'aan kasta oo safaaradda Maraykanka loogu wareejinayo Qudus ama lagu aqoonsanayo in ay tahay caasimadda Israel," ayuu yiri lataliyaha Madaxweynaha Falastiin Majdi al-Khalidi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Falastiin ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan wax u dhimayso xalkii lagu raadinayay nabad ka dhex dhalata labada dal ee colaada xun ka dhaxayso [Israel iyo Falastiin].

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Ayman Safadi ayaa sheegay in dhigiisa Maraykanka Rex Tillerson u sheegay in ku dhawaaqidda arrintaas ay keeni doonto caro wayn oo ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka.

"Waxaan kala hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Tillerson cawaaqibka xun ee ka dhallan doona in ay Qudus u aqoonsadaan caasimadda Israa'iil. Go'aankaasina uu keeni doono caro ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka oo dhan, taas oo sii hurin doonta xiisadda, carqaladayn doontana dadaallada nabadda." sidaas waxaa bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Ayman Safadi .

Laakiin Jared Kushner oo sodddog u yahay Trump ayaa sheegay in aysan jirin go'aan noocaas ah oo ay wali qaadatay xukuumadda Washington. Isagoo khudbad ka jeedinayayshirka Saban Forum ee magaalada Washington wuxuu tilmaamay in dowladda ka hadli doonto markii go'aankan dhaco cidda mas'uulka ka ahna uu yahay Donald Trump.

"Madaxweynuhu go'aan ayuu ka qaadan doonaa arrintan waliba wuxuu ka eegayaa xaqiiqooyin kala duwan...Markii uu go'aankaas gaarana, isaga ayuu noqon doonaa qofka doonaya in uu idinkala hadlo, anigana ma aha." Ayuu yiri.

Warkan oo maalmahan aad la isula dhex-marayay ayaa kusoo aadayay xilli labada waddan ay ka dhaxayso colaad dheer islamarkaana dhinac walba aaminsanyahay inuu leeyahay Qudus. Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 doonayeen in mustaqbalka Qudus lagu go'aamiyo wadahadal aan wax saamayn ku yeelan karin labada dhinac.

Waxaanse shaki ku jirin in Maraykanku u xaglinayo dhinaca Israel, taasoo abuurta shakiga ah in Trump uu ka dhabeeyo ballanqaadkii uu sameeyay xilligii doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo ka baxday wada-xaajoodka xabbad joojinta Qasa

Qatar, Maraykanka iyo Masar, ayaa dhaxdhaxaadinayay wada-hadallo ka socda caasimadda Dooxa

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 09:18AM

Maraykanka: Tirada dadka la la’yahay ka dib dhacdadii Buundada Baltimore oo la shaaciyay

Burburka buundada ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho isu socodka ganacsiga dalka Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2024

  • 05:57AM