​Muxuu qabtay Trump Fasaxiisi Xagaaga?

Image

WASHINGTON, USA - Malaayiin caruuraha dalka Maraykanka ayaa todobaadkan ku laabanaya iskuulaadka guud ahaan dalka, waxayna guryahooda ku noqonayaan casarkii iyaga oo wata layli loosoo direy oo ku saabsan wixii uu ardayga qabtay intii lagu jirey fasixii xagaaga.

Hadda bal maleyso in aad tahay Donald Trump, laguuna direy shaqo guri ama layli , waxay ila noqon in aad u baahan doonto waraaqo dheeraad ah oo aad leyliga oga shaqayso.

Hagaag, waxyaabaha hoos ku qoran waa kuwa Trump iyo kalkaaliyeyaashiisa ay qabteen xagaagii lasoo dhaafay.

1.Waxa la shaqaalaysiiyey agaasime cusub oo warbaahinta ah, oo magaciisu yahay Anthony Scaramucci.

2.Afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer ayaa shaqada ka tagay isaga oo cabasho qaba, balse wuxuu sheegay in uu faraxsanyahay.

3.Scaramucci ayaa waraysi layaab leh siiyey majaladda New Yorker maalintiisii koowaad ee shaqada.

4.Trump waxa uu shaqada ka eryey agaasimihii Aqalka Cad Reince Priebus, kaasi oo looga tagay garoonka diyaaradaha Andrews.

5.Waxa uu Trump shaqada qorey agaasime cusub oo lagu magacaabo Jeneraal Kelly, kaasi oo horey u ahaa wasiirka amniga gudaha.

6.Maalintii koowaad ee shaqada ee Kelly, Trump waxa uu eryey Scaramucci, kaasi oo shaqada joogay 10 maalmood oo kaliya, mudadaasi oo xitaa ka yar waqtiga ay caanaha ku dhacaan.

7.Waxa uu shaqada qorey agaasime cusub oo warbaahinta ah, waana kii afraad muddo 7 bilood ah oo uu xilka hayay.

8.Waxa uu Trump si shaac ah u fadeexeystey Xeer Illaaliyaha Guud, balse Jeff Sessions waa uu iska adkaystay.

9.Waxa uu ku guuldaraystay xeerka caafimaadka oo la marin waayay aqalka Congress-ka.

10. Waxa uu si shaac ah u dhaleeceeyey xildhibaanada Jamhuuriga, kuwaas oo diiday in ay u codeeyaan xeerka caafimaadka.

11.Dadka labeebka ah ayuu ka mamnuucay in ay ciidamada ka mid noqdaan, fariintaas oo uu ku qorey Twitter-ka isaga oo aanan u sheegin taliyeyaasha militariga.

12. Taliyeyaasha ciidamada ayaa ku yiri "Iska hilmaam waxaas, amarada kama qaadano Twitter-ka, ee waxaa jira haykal iyo jaranjaro amarka loo kala qaato".

13. Waxa uu khudbad siyaasadeed u jeediyey dhalinyaro mutadhawiciin ah oo da'dooda u dhaxayso 11 illaa 18 jir.

14. Waxa uu sheegtay in uu hambalyo ka heley hoggaamiyaha dhalinyaradaasi , taas oo ku saabsan khudbaddii ugu qiimaha badnayd ee uu ebed jeediyo.

15. Hoggaamiyaha dhalinyarada mutadhawiciinta ah ayaa beeniyey in uu u hambalyeeyey madaxweynaha, wuxuuna dhalinyaradii kale ka raaligaliyey khudbadii qaldanayn ee loo jeediyay.

16. Trump waxa uu sheegtay in madaxweynaha Mexico uu soo wacay, ugana hambalyeeyay qorshihiisa darbiga la dhisayo.

17. Balse madaxweynaha Mexico ayaa beeniyey in xitaa ay taleefoon ku wada hadleen isaga iyo Trump.

18. Aqalka Cad waxa uu beeniyey in madaxweynuhu yahay nin beenaale ah, balse waa ay sharixi waayeen sheegashada madaxweynaha waxa ay salka ku haysay.

19. Maalmo ayay ku qaadatay in uu saxiixo xeerka iskaashiga xisbiyada, markii dambana waxa uu Aqalka Congress-ka ku eedeeyey in ay ku cadaadiyeen in uu saxiixo xeerka.

20. Waxa uu madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oga mahadceliyey in uu dalkiisa ka eryey boqolaal dublamaasiyiin Maraykan ah.

21. Waxa uu dhaleeceeyey wararka hoosta saxaafadda looga dusiyo, balse markii dambe waxa uu sheegay in uu jecelyahay maadaamaa ay muujinayaan in wali ay dadka jecelyihiin isaga.

22. Waxa uu askarta ku dhiirogaliyey in ay si adag ula dhaqmaan dadka ay xirayaan.

23. Taliyeyaasha booliiska ayaa hadalkaasi dhaleeceeyey, balse Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha uu kaftamayay.

24.Waxa uu si shaac ah u fadeexaystay hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga.

25. Waxa uu mar u muuqday in uu u jawaabayay Kuuriyada Waqooyi, isaga oo ku hanjabay weerar hubka Nuyuukleerka.

26. Waxa uu u sheegay dadka jasiiradda Guam in hanjabaadda Kuuriyada Waqooyi ay ka caawin doonto kor u kaca dalxiiska.

27. Madaxa istaraatiijiyada madaxweynaha Steve Banon ayaa sheegay hadal ka duwan kan madaxweynaha, wuxuuna yiri "ma jirto talaabo militari oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi".

28. Waxa uu ugu hanjabay dalka Venezuela in uu ka qaadayo talaabo militari.

29. Kadib rabshadihii kooxaha xagjirka caddaan ah, waxa uu Trump eedeyn u jeediyey labada dhinac.

30. Kadib markii lagu qabsaday hadalkaas, ayuu ka laabtay, wuxuuna dhaleeceeyey caddaanka xagjirka ah.

31. Markale ayuu tirtirey hadaladiisii hore, isaga oo ka xanaaqsan in lagu qasbo in uu ka laabto, wuxuuna markale eedeeyey labada dhinac.

32. Taliska guud ee ciidamada Maraykanka ayaa soo saaray war ay ku dhaleeceynayaan wax kasta oo faquuq ah, hadalkaas oo loo fasirtey in uu lid ku yahay madaxweynaha.

33. Waxa uu xayaysiiyay beeraha canabka ee Virgia mar wax laga weeydiiyey in uu booqan doono magaaladii ay rabshadaha ka dhaceen ee Charlottesville.

34. Waxa si isku mid ah u wada dhaleeceeyey xisbiyada dimoqoraadiga, jamhuuriga, madaxweynayaashii hore ee Maraykanka, hoggaamiyeyaasha adduunka, waddamada isbahaysiga la ah Maraykanka, shaqaalihiisa iyo waliba wadaadka u weyn kaniisadda masiixiga ee Pope-ka.

35. Waxa uu dhaleeceeyey madaxda shirkadaha waawayn, wuxuuna ku dooday in ay isaga meel cidlo ah oga tageen.

36. Waxa uu shaqada ka eryey Steve Banon oo ahaa ninkii horseedey guushiisa.

37. Waxa uu ka laabtay fikirkii uu horay oga qabay dalka Afqanistaan, wuxuuna sheegay in uu ciidamo dheeraad ah u diri doono dalkaas.

38. Waxa uu ku hanjabay in uu shaqada dowladda xanibi doono haddii aanan loo ogolaanin in uu dhaqaalo u helo dhismaha darbiga Mexico.

39. Waxa uu ku baaqay midnimo dadka Maraykanka ah.

40. Maalintii xigtay ayuu dhaleeceeyey dadka isaga mucaaradka ku ah hadal aad dadka u kala qaybiyey oo uu jeediyey.

41. Maalintii kale ee xigtay ayuu haddane ku baaqay midnimo.

42. Waxa uu cafis u fidiyey madixii hore ee ciidamada Arizona Joe Arpaio, kaasi oo loo xirey amar maxkamadeed oo uu diiay in uu fuliyo, amarkaasi oo looga dalbayay in uu joojiyo hawlgalada ka dhanka ah dadka lagu tuhunsanyahay in ay yihiin soo galooti ama qaxooti.

Su'aasha weyn waxa ay tahay : Waxani oo dhan maxay ka dhiganyihiin?

Waxaa aad u badan dadka siyaasadda u dhuunduleela ee Washington ee kuu sheegaya in arrimaha aysan sidan kusii socon karin, islamarkaasina aysan muuqanin suurtogalnimada in Trump uu dhamaysto afarta sanno ee xilka loo doortay.

Waxa ayba u egtahay in qalalaasaha iyo masrixiyadda ka socota Washington ay tahay waxa madaxweynaha xiiso galisa, haddii kale waa hore ayuu wax ka badali lahaa sida uu u dhaqmo iyo hadaladiisa daandaansiga ah.

Balse waxa uu samaynayo waxa ay saamayn toos ah ku leeyihiin xildhibaanada, ganacsatada waawayn, dadka lacagaha badan sameeya ee suuqa saamiyada Wall Street, taliyeyaasha ciidamada, iyo hoggaamiyeyaasha adduunka.

Bal ka fikir hanjabaadiisa ah in uu shaqada dowladda joojin doono haddii aanan loo ogolaanin dhaqaalaha lagu dhisayo darbiga Mexico, isaga oo ku doodaya in dhismaha darbiga ay ka mid ahaayeen balanqaadyadii ololaha doorashada, balse xildhibaanada waxa ay xusuusinayaan "balanqaadka waxaa sidoo kale ka mid ahaa in Mexico ay bixineyso lacagta lagu dhisayo darbiga".

Waxa kale oo arrimaha kusii murginaya ayaa ah in uu si bareer ah u dhaleeceeyey hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka Senate-ka Mitch McConnel marar badan, marka sidee taasi Trump oga caawin doontaa in uu meelmariyo xeerarka muhiimka ah ee uu doonayo in aqalkan uu ansixiyo.

Waa sidee xaalka Taageerayaashiisa?

Ka waran dadka taageerayaashiisa ah ? mala oran karaa waa ay kala furfuranayaan ? , jawaabtu waa haa, waxoogaa, waxaa xitaa jira aragti uruurin la sameeyey oo muujinaysa in hoos u dhac weyn uu kala kulmay taageerada loo hayay.

Balse sidaas oo ay tahay, wali dad aad u badan ayaa taageero u hayo, kuwaas oo u arka in uu la dagaalamayo nidaamka dowliga ah, waxaana tusaale kuugu filan dadkii isugu soo baxay Phoenix, Arizona todobaadkii hore.

Guushiisa mustaqbalka

Haddii uu meelmariyo ajandihiisa sharciyadeed, waxa uu markale hortagi doonaa dadka Maraykanka oo uu ka codsan doono in ay markale u codeeyaan, isaga oo ku doodaya in uu meelmariyay dhammaan waxyaabihii uu balanqaaday.

Balse waxaa aad u badan suurtogalnimada in wax badan u hagaagi waayaan, tusaale ahaan in laga diido in la tirtiro sharciga caafimaadka ee Obama, iyo waliba dhismaha darbiga Mexico.

Haseyeeshee taasi kama dhigna in ay Trump u dhamaatay, markale ayuu dadka hortagi doonaa, wuxuuna ku oran doonaa "eega, nidaamka waa mid qariban, isbadalkii aan filayayna waxa ay igu qaadanayaa muddo ka badan intii aan u maleynayay, dagaalkana waa in aan meeshiisa kasii wadnaa".

Si kastaba ha ahaatee, Trump waxa horyaala in uu kala xusho nooca qof ee uu noqon lahaa marka taariikhda laga qorayo, ma nin guuleystay mise nin guuldaraystay.

Source: GO + BBC

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM