Pakistan oo cabsi ka qabta in India kusoo duusho, warqadna u dirtay QM

Image

ISLAMABAD, Pakistan - Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi, ayaa sheegay in India ay qorsheynayso weerar ka dhan ah dalkiisa, si ay dareen caalamka uga soo leexiso dhibaatooyinka ka jira Kashmiir.

Warqad uu u qoray Qaramada Midoobey, ayuu Wasiirka ku caddeeyay in India ay gantaallo ku rakibeyso qeybta ay Kashmir ka maamusho, halkaasi oo ay doonayso "inay ka weerarato Pakistan".

Qureshi ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid ay Xukuumadda New Delhi uga golleedahay in ay ku daboosho xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay ciidamadeeda ka wadaan Kashmir.

Wasiirka ayaa ka dalbaday UN-ka in ay qaado tallaabo deg-deg ah oo ku aadan qorshaha India, isagoo ka digay in cawaaqib xun uu ka dhalan doono weerar kasta oo lagu soo qaado Pakistan.

Qureshi ma uusan bixin caddeymo uu ku xoojinayo warka ku saabsan in India ay gantaallo geynayso gobolka Kashmir, halkaasi oo labada wadan ay ku muransan yihiin islamarkaana ay ka joogaan ciidamo.

Ma jiro war kasoo baxay India oo ku aadan eedeynta loo jeediyay.

Pakistan iyo India ayaa dagaalamay 3 jeer, oo labo kamid ah maamulka gobolka Kashmiir isku qabteen tan iyo markii Pakistan ay madax-banaanideeda ka qaadatey Ingiriiska 1947.

Waxa ku dhawaadeen dagaal kale inuu dhex-maro bishii Febuary ee sanadkan 2019 markii in ka badan 40 askari oo u dhashay India lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gobolka Kashmiir.

India ayaa uga jawaabtey weerarka Askarta looga dilay duulaan dhanka cirka ah oo ay ku qaadey gudaha Pakistan, iyadoo sheegtay in ay bartilmaameedsatay goob dagaalyahado lagu tababaro.

Pakistan ayaa soo riday diyaaradii weerarka kusoo qaadey, waxaana ay nolosha ku qabatey duuliyihii diyaaradda dagaal, kaasoo markii dambe sii deysay, kuna wareejisay dowladda India.

India ayaa ku eedeysay Pakistan in ay taageerto koox Islaami ah oo ka dagaalanta gobolka Kashmiir, taasoo weeraro ku qaada ciidamada halkaasi ka jooga. Xukuumadda Islamabad ayaa dhowr jeer gaashaanka ku dhufatay eedeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM