Trump oo eryay Xeer Ilaaliye, una hanjabay Xisbiga Dimuqraadiga

Image

Madaxweynaha Maraykanka Donland Trump ayaa Arbacadii shalay xilkii ka qaaday Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalkaasi Jeff Session saacado kadib markii xisbigiisa Jamhuuriga uu ku guul-dareystay doorashad xilliga dhexe.

Talaabadan ayaa xisbiga Dimoqraadigu ay uga digeen inuu ku joojiyo baarista Robert Mulleur oo ah ninka baaraya xiriirka lagayaabo inuu u dhexeeyey ololaha Trump iyo dawladda Ruushka, oo lagu eedeeyay inay faragelisay doorashadii 2016.

Madaxweyne Trump ayaa dhiniciisa, fariin twitter ah oo uu soo diray, ku shaaciyey tagista Sessions, isla markaana u mahad celiyey, isaga u magacaabey xilka si KMG ah Matthew G Whitaker, oo ahaa agaasimaha xafiiska mas'uulka la eryay.

Session ayaa warqad uu isku casilayey oo uu Trump u diray ku sheegay inuu xilka ka degayo ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday, hadalkaas oo u muuqday in lagu khasbay inuu shaqada ka fariisto.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee shaqada laga rukhseeyay ayaa aflagaado iyo hoos u dhigid kala kulmi jiray madaxweynaha, ka dib markii uu Sessions shaaciyey inuu ka gaabsanayo inuu dusha kala socda baarista gaarka ee uu wado Robert Muleur.

Hogaamiyaha aqlabiyadda xisbiga Dimoqraadiga ee Aqalka Hoose, Nancy Pelosi, ayaa ku tilmaantay go'aanka Trump uu shaqada uga eryay Sessions mid uu isku dayayo inuu kusoo xiro baaritaanka kiiska faragelinta Ruushka ee doorashada Mareykanka.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa lumiyay aqlabiyadda Aqalka Hoose [Congress], kadib doorashadii xillig dhexe ee Maraykanka taasoo lagu tilmaamay afti loo qaadey madaxtinimada, iyadoo laga yaabo in 2020 uu ku guul-dareesto doorashada guud.

Waxay warbaahinta Mareykanka soo warisay in 40% Xildhibaanada Aqalka Hoose ay doonayaan in mooshin laga keeno Trump, iyadoo lagu soo oogayo qiyaano qaran inuu galay, islamarkaanka Ruushka u ogolaadey in xogta dalkaasi farageliso.

Related Articles

Meydad ay ku jiraan dad waayeel ah oo laga soo saaray xabaal wadareedyo

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqdey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dhacdadan.

  • Caalamka

    25-04-2024

  • 03:53AM

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM