Turkiga oo xabsi u taxaabay 50 qof oo ay Soomaali ku jiraan

Image

ANKARA, Turkey – Konton qof oo ay ku jiraan Soomaali ayaa Talaadadii lagu xiray galbeedka Turkiga, sidda uu ku waramay Daily Sabax, oo intaas ku daray in dadkaas ay isugu jiraan muhaajiriin iyo qaxooti.

Ciidamada Ilaaladaha Xeebaha ayaa lasoo wariyey ku qabteen degmada Dikili xili ay isku dayeyeen in ay doon ku galaan dalka Gariiga.

Sidda ku xusan warbixinta, shaqsiyaadka xabsiga loo taxaabay ayaa kasoo kala jeeda; Soomaaliya, Koongada Dimuqraadiga ah, Syria, Gambia, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Tunisia iyo Palestine

Dhacdo tan lamid ah, 24 ruux oo u dhashay Syria, Central African Republic, Palestine, Iraq iyo Lebanon ayay mas'uuliyiinta ammaanku ku qabteen degmada Çeşme kahor inta aysan u talaabin Gariigiga.

Dhamaan soo galootiga iyo muhaajiriinta la qabtay ayaa lagu wareejiyay Hay'adda Socdaalka si ay u hubiso dhaqdhaqaaqooda.

Turkiga ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay marin u ahaa muhaajiriinta ku qulquleysa Yurub si ay nolol uga helaan, iyagoo kasoo caraya colaad iyo nolol xumo baahsan oo ka jirta wadamada ay kasoo tageen.

Bishii hore, Turkiga oo ku dhawaaqay in uusan celin doonin soo galootiga ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in uu fuliyo balanqaayadii uu ku sameeyay heshiiskii socdaalka ee la saxiixay 2016-kii.

Turkiga wuxuu haatan maareynayaa nolosha 3.7 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, kuwaas oo qarankooda uu ku burburay colaado sokeeye, waana waddanka labaad ee qaabilaad ugu balaaran u sameeyay shacabkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Cardiff maxay ka baran karaan maamullada Soomaaliya?

Heshiiska waxaa kala saxiixday hoggaamiyaha Xisbiga Scottish National Party, John Swinney…

  • Caalamka

    15-09-2026

  • 02:14AM

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Cirka Mareykanka oo 50 saacadood ku badbaaday gudaha Iran

Bravo” iyo duuliyihii diyaaradda, oo loogu yeeray magaca howlgalka “Alpha”, ayaa ka booday diyaaradda kadib markii la haleelay.

  • Caalamka

    14-09-2026

  • 09:01AM