Turkiga oo xabsi u taxaabay 50 qof oo ay Soomaali ku jiraan

Image

ANKARA, Turkey – Konton qof oo ay ku jiraan Soomaali ayaa Talaadadii lagu xiray galbeedka Turkiga, sidda uu ku waramay Daily Sabax, oo intaas ku daray in dadkaas ay isugu jiraan muhaajiriin iyo qaxooti.

Ciidamada Ilaaladaha Xeebaha ayaa lasoo wariyey ku qabteen degmada Dikili xili ay isku dayeyeen in ay doon ku galaan dalka Gariiga.

Sidda ku xusan warbixinta, shaqsiyaadka xabsiga loo taxaabay ayaa kasoo kala jeeda; Soomaaliya, Koongada Dimuqraadiga ah, Syria, Gambia, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Tunisia iyo Palestine

Dhacdo tan lamid ah, 24 ruux oo u dhashay Syria, Central African Republic, Palestine, Iraq iyo Lebanon ayay mas'uuliyiinta ammaanku ku qabteen degmada Çeşme kahor inta aysan u talaabin Gariigiga.

Dhamaan soo galootiga iyo muhaajiriinta la qabtay ayaa lagu wareejiyay Hay'adda Socdaalka si ay u hubiso dhaqdhaqaaqooda.

Turkiga ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay marin u ahaa muhaajiriinta ku qulquleysa Yurub si ay nolol uga helaan, iyagoo kasoo caraya colaad iyo nolol xumo baahsan oo ka jirta wadamada ay kasoo tageen.

Bishii hore, Turkiga oo ku dhawaaqay in uusan celin doonin soo galootiga ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in uu fuliyo balanqaayadii uu ku sameeyay heshiiskii socdaalka ee la saxiixay 2016-kii.

Turkiga wuxuu haatan maareynayaa nolosha 3.7 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, kuwaas oo qarankooda uu ku burburay colaado sokeeye, waana waddanka labaad ee qaabilaad ugu balaaran u sameeyay shacabkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM