CPJ oo shaacisay tirada wariyaasha la dilay 2015

Image

29 December, 2015(GO)-Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca Saxafiyiinta Caalamka ee CPJ ayaa soo saaray warbixin sanadeedkiisii, wuxuuna sheegay in sannadkan sii dhammaanaya ee 2015 dunida lagu dilay illaa 69 saxafi, halka xabsiga la dhigay illaa 199 weriye.

Ururka CPJ ayaa sheegay in dalka ugu badan ee saxafiyiinta lagu dilay sannadkan uu ahaa Syria, halkaas oo la diiwaangeliyey in la dilay illaa 13 weriye.

Waxaa Syria kusoo xiga dalalka Faransiiska, Brazil, Yemen, Koonfurta Sudan iyo Ciraaq, oo ka mid ah dalalka suxufiyiinta ugu badan lagu dilay.

Dalka Soomaaliya ayaa ururku sheegay in sannadkan uu galay kaalinta sagaalaad marka laga hadlayo wadamada lagu laayey saxafiyiinta, waxaana ururku sheegay in sannadkan Soomaaliya lagu dilay 3 weriye.

Hindiya Xaaji Maxamed oo u shaqeyneysay Radio Muqdisho ayaa ahayd weriyihii ugu dambeeyey ee sanadkan lagu dilay Somalia, waxaana la dilay 3-dii December.

Xigasho: VOA

Related Articles

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM

Xiisada Mareykanka iyo Canada oo sii xoogeysatay

War uu ku qoray bartiisa Truth Social, Trump ayaa Canada ku tilmaamay "waddan aad u adag marka la eego ganacsiga"

  • Caalamka

    28-06-2025

  • 11:18AM