Uganda: Museveni oo mar 7aad u tartmayo kursiga, isagoo balan-qaadey inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa

Image

KAMPALA – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu mar kale tartami doono doorashada madaxtinimada ee sannadka 2026, taasoo haddii uu ku guuleysto sii dheerayn doonta xukunkiisa oo haatan gaaraya ku dhowaad 40 sano.

Museveni, oo 80 jir ah, ayaa Sabtidii fiidkii ku dhawaaqay inuu caddeeyay doonistiisa ah “inuu isu taago jagada musharraxa madaxweyne” ee xisbiga National Resistance Movement (NRM).  Bobi Wine ayaa shaaciyay inuu la tartami doono Museveni doorashadda bisha January 2026.

Museveni wuxuu xukunka la wareegay sannadkii 1986 kadib dagaal sokeeye oo shan sano socday. Tan iyo markaas, wuxuu sii hayay xilka isagoo muddo dheer ku sii nagaaday xukunka ka dib markii dastuurka dalka laba jeer wax laga beddelay si meesha looga saaro xaddidaadda muddo xileedka iyo da’da musharraxa madaxweynaha – arrintaas oo u oggolaatay inuu markasta isu soo taago.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Museveni inuu adeegsanayo ciidamada ammaanka iyo nidaamka dowladda si uu u caburiyo mucaaradka iyo codadka diidan xukunkiisa – eedeymahaas uu Museveni beeniyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ujeeddadiisu tahay inuu dib loo doorto si uu dhaqaalaha Uganda u gaarsiiyo $500 bilyan shanta sano ee soo socota, halka ay hadda taagan tahay wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) oo ku dhow $66 bilyan, sida ay sheegtay xogta dowladda.

Mucaaradka oo Isku Diyaarinaya doorashadda

Mucaaradka ugu weyn, Bobi Wine (magaciisa rasmiga ah waa Robert Kyagulanyi), oo ah fannaan hore u noqday siyaasiga ugu caansan mucaaradka, ayaa isaguna xaqiijiyay inuu markale tartami doono. Bobi Wine ayaa horey u diiday natiijadii doorashadii 2021, isagoo ku eedeeyay dowladda wax isdabamarin, ku shubasho codad iyo handadaad ay ciidamada ammaanku u geysteen taageerayaashiisa.

Xiisadda siyaasadeed ee Uganda ayaa sii xoogeysatay bilihii la soo dhaafay, kadib markii baarlamaanka ansixiyay sharci oggolaanaya in maxkamadaha ciidamada lagu qaado dacwadaha muwaadiniinta rayidka ah, tallaabo ay Maxkamadda Sare ku tilmaantay mid ka hor imaaneysa dastuurka dalka.

Shacabka Uganda ayaa la filayaa inay doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka u dareeraan bisha Jannaayo 2026, iyadoo ololuhu si rasmi ah u bilaabanayo bilo gudahood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM

Burkina Faso oo $18 Bilyan Ka Heshay Macdanta Dahabka Tan iyo Markii Ibrahim Traoré Xilka La Wareegay

Si kastaba ha ahaatee, khubarada qaar ayaa su’aalo ka keenay daahfurnaanta iyo sida dhab ah ee dakhligaas loo maareeyo.

  • Afrika

    28-06-2025

  • 08:08AM