Weerar ka dhacay Sweden iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

Booliska Sweden ayaa Jimcaha maanta xirey nin lagu eedeynaayo in uu dad middi ku weeraray, kaas oo dhaawacay hal qof, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ninkaasi ayaa lagu xirey xarunta akadeemiyada booliska ee Stockholm.

Booliska ayaa sheegey in qofka la dhaawacey lagu weeraray koonfurta Stockholm, waxana loola cararay isbitaal.

Booliska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen waxayna la hadleen dad goob joogayaal ah, si ay wax uga ogaadaan isku deyga dil, sida ay saraakiil sheegeen.

Warygeyska Aftonbladet ayaa wariyay in ninka middida dadka ku weeraray ay qabteen ardey iyo macallimiin ku sugnaa meel u dhow xarrunta tababarka ciidamada booliska.

Related Articles

Qalalaase ka dhacay Kulan Dadweyne oo ay Ilhan Omar Hoggaaminaysay

Dhacdadu waxay timid kadib markii ay Ilham Cumar ugu yeertey in Madaxa Hay’adda Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem…

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 03:30AM

Aqalka Cad oo Dib uga laabtay Aragtidii uu Ka Qabey Toogashadii Minneapolis

Leavitt waxay warbaahinta u sheegtay in Aqalka Cad uu doonayo in baaritaan madax-bannaan la sugo.

  • Caalamka

    27-01-2026

  • 05:29PM