ISIL oo sheegatay qarax Muqdisho lagula eegtay ciidanka ATMIS

Image
Ugu yaraan saddex haween ah oo kamid ahaa kuwa Jaadka ku iibiya isgoyska KM4 ayaa ku dhaawacmay falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxii Isniintii asbuucan magaalada Muqdisho lagula eegtey kolanyadda ka tirsan ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Qoraal lagu daabacay baraha internet-ka ee taageera ISIL-Somalia ayaa lagu caddeeyay in weerarkaas uu sababay dab qabsadey mid kamid ah baabuurta howlgalkan ku meelgaarka ah.

Ugu yaraan saddex haween ah oo kamid ahaa kuwa Jaadka ku iibiya isgoyska KM4 ayaa ku dhaawacmay falkan oo laamaha ammaanka Soomaaliya ay sheegeen in baaris ay ku bilaabeen.

"Haweenka dhaawacyada fudud ay soo gaareen waxay ku waxyeeloobeen holaca baabuurka oo sii fiday markii uu shidaal ka daatay gaariga," ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska oo warbaahinta ka hadlay.

Sarkaalkan oo ka gaabsadey in uu ka horudhaco waxa uu ka dhashay qaraxa ayaa carabka ku dhuftey in booliska uu baaritaan ku bilaabay qaraxa isla markaana natiijadda lala soo wadaagi doono dadweynaha.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu xaqiijiyey dhacdadan waxaana ay tibaaxeen in dhankooda ay bilaabayaan baaritaan madax-banaan si ay u ogaadaan qaabka wax u dhaceen.

Taliska ATMIS ayaa todobaadkan u dabaaldegay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay tan iyo markii laga badalay magaca AMISOM taasoo ka dambeysay markii loo muddeeyay in ay baxaan December, 2024.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo baaq u dirtey hogaamiyeyaasha Soomaaliya

Codsiga Swan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda.

  • Wararka

    14-07-2024

  • 04:21PM

Qodobka ay isku-mari-waayeen Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya

Turkiga ayaa martigeliyay wareegii koowaad ee wadahalada Muqdisho iyo Ankara.

  • Wararka

    02-07-2024

  • 03:20AM