Jubbaland oo farta ku fiiqeysa "cidda ku lugta lahayd" qaraxii Cascasey

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Inkasta oo uusan waqti cayimin, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyey "in ay sida ugu dhaqsiyaha badan" ku fahfaahin doonan "cidda ku lugta lahayd" weerarkii huteelka Cas-casey.

Inta la xaqiijiyey 26 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib iyo shaqsiyaad Soomaaliyeed oo caan ah ayaa ku naf-waysay dhacdadaasi oo ay dusha saaratay kooxda xiriirka la leh shabakadda ballaaran Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Dhacdadaasi ayaa kusoo beegantay iyadda oo ay Jubbaland isku diyaarineyso doorashadda madaxtooyadda iyo tan baarlamaanka oo la filayo in ay bisha dambe ay ka qabsoonto magaaladda dekadda leh ee Kismaayo.

"Falkan waa mid nagu cusub. Jubbaland ahaan, waxaan soo saari doonaa bayaan cad oo aan kaga hadleyno falkan dhacay, siduu u dhacay, wuxuu sababsanayo, asbaabaha keenay iyo wax badan oo aan iftiimin doono," ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyey: "Waxaan rabaa in aan bayaankaasi sida ugu dhaqsiyaha badana kusoo saarno, kuna soo caddeyno, xaaladaha jira, waxa keenay, xagee buu ka yimid iyo yaa lug ku lahaa [qaraxa]?".

Hadalkan ayuu Axmed Madoobe u sheegay warbaahinta oo uu la hadlay shalay oo Sabti ah markaasi oo uu xusay in dad ka badan 50 ruux ay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo laba kamid ah u dhasheen dalka Shiinaha.

"Ma rabno in aan maanta [Sabtidii] ka hadlno, meydka aan aasano, dhaawacyadana aan [daaweysano]. Bayaankaasi ayaan soo saari, kaasi ayaana niila wadaagi doonaa," ayuu daba dhigay.

Warbixino horudhac ah oo laga helay hay’addo sirdoon ayaa sheegaya in ragga weerarka fuliyey ay huteelka yimaadeen laba maalmood kahor, isla markaana Shabaabku qorsheynayay howgalkaasi laba bilood.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM