Kismaayo oo degan xili la helay xog ku saabsan weerarkii huteelka

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Kadib weerarkii ay Al-Shabaab gabal-dhicii Jimcaha ku beegsatay huteelka Cascasey, halkaasi oo ay ku naf-waayeen 26 ruux ayaa Axada maanta ah waxaa degan xaalada xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Meydadka dadkii lagu laayay dhacdadaasi oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah sida wariyeyaal, ganacsato iyo murashax ayaa shalay oo Sabti ahayd la aasey, iyadda oo ay socotay baroor-diiqdooda.

In ka badan 50 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarka kuwaasi oo ay ku jiraan ajaaniib, qaarkoodna laga dejiyey Muqdisho iyo Nairobi markii xaaladoda caafimaad wax looga qaban-qaayey Kismaayo.

Iyaga oo raacaya amar kasoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe, ciidamada ayaa durba bilaabay howlgalo lagu adkeynayo nabad-gelyada, waxaana lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa wariyeyaasha u sheegay in dabley gaareysay afar, oo midkood uu isku qarxiyey iridka huteelka, mid kale la qabtey laba kalena la toogtey, ay fuliyeen weerarkaasi.

Sidda laga soo xigtay warbixino dhanka sirdoonka ah, ragga weeraray huteelka oo ay xiligaasi ku shirsanaayeen Xildhibaano iyo Odayaal, waxay goobtaasi ka tageen laba maalmood kahor inta uusan qaraxu dhicin.

Howlgalada bilowday ayaa lagu waramayaa in ay xitaa ka socdan xaafadaha kala duwan ee magaaladda. Ciidamada waxay mararka qaarkood galayaan guryaha ay tuhmaan, wallow aanan dhibaato lasoo warin.

Warbixinada ayaa intaasi raacinaya in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay muddo laba bilood ah qorsheyneysay is-miidaamintaasi oo noqoneysa tii ugu dhimashada badneed oo ay Kismaayo ka geystaan.

Al-Shabaab ayaa magaaladan dekadda leh waxaa laga saarey dhamaadka sanadkii 2012-kii. Inkasta oo ay taasi jirto, caasimada rasmiga ah ee Jubbaland oo ah Bu'aale waxay gacanta ugu jirtaan kooxdaasi.

Magaala madaxda ku meel gaarka Jubbaland ayaa bisha dambe waxaa la filayaa in ay ka qabsoonto cod-bixinta madaxweynaha xiga iyo gudoonka baarlamaanka cusub, oo si weyn loogu dheg-raaricinayo.

SHIRKA JARAA'ID EE AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM