Axmed Karaasha oo loo doortey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Xubnaha Gollaha Wakiiladda Puntland ayaa maanta doortay Madaxwayne ku xigeen kadib doorasho si wayn loogu loolamay oo ka qabsoontay xarunta Gollahaan ee magaalada Garowe.

Xilkaan waxaa utartantay 11 Musharax, kuwaasi oo wareegii koowaad ukala codadka sidaan soo socota:-

Maxamed Axmed Xasan Dhagaweyne, 1-Cod

Cabdixakiin Maxamed Gaalleef, 1-Cod

Cabdiraxman Guuleed Cali, 1-cod

Eng . Cabdixakiin C/laahi Camey, 11 -Cod

Cabdi Ibraahim Warsame [Qowdhan], 15 - Cod

C/laahi Cali Timacade, 12 - Cod

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], 24 - Cod

Wareegii labaad, waxaa usoo gudbay, Timacade oo heley 12 cod, Qowdhan oo uruur-saday 15 cod iyo Karaash oo ay ucodeysay 24 cod.

Timacadde ayaa ku haray wareegii 2aad, kadib markii uu helay 9 cod, halka Qowdhan oo gudbay uu helay 23 cod, Xildhibaan Karaash ayaana helay 34, taasi oo ugudbisay wareega 3aad.

Ugu dambeyntii, cod-bixinta mudanayaasha kadib, waxaa xilka Madaxwayne ku xigeenka ku guuleystay Axmed Cilmi Cusmaan [Karaash], kadib markii uu helay 47 cod, halka Mr Qowdhan uu helay 19 cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM