Boosaaso: Qoys loo xukumay ilmo lasoo xaddey oo gurigooda ku dhintay

Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda darajadda koowaad ee gobolka Bari ayaa Khamiista maanta ah waxay xukuno kasoo kala saartay laba kiis ciqaabeed oo mid u yahay ilmo lasoo xadday kadibna geeriyooday.

Kiiska koowaad waxaa eedeysaneyaal ka ahaa; Cismaan Xasan Cali iyo Qabuul Ibraahim Nuur oo lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Aadan Isaaq Cabdinuur oo lagu waramay in bir loo adeegsaday dilkiisa.

Cismaan ayaa lagu xukumay dil toogasho, halka Qabuul loo celiyey xorriyadeeda "maadaama aysan caddeyn hadii hiilo ahaan ay u soo raacday xukunsaha isla markaana aysan ku lug-leyn dhimashadda".

Kiiska labaad oo la xiriira ilmo lasoo xadey isla markaana kadib dhintay waxaa eedeysaneyaal ka ahaa; Ruqiyo Cabdiraxmaan Maxamed, Ina Mako Daahir iyo seygeeda Ismaaciil Cali Nuur, Ina Caasho Maye.

Qoyskaan ayaa waxaa lasoo wariyey in ay gurigooda ku dhimatay Ruweydo Cali Cumar, oo hooyadeed lagu magacaabo Khadiijo.

Ruqiyo ayaa waxaa si gaar ah loogu soo eedeeyay in ay soo xaday ilmaha, halka Ismaaciil lagu soo oogay dacwad ku saabsan taxadar ama feejignaan la’aan iyo in uu fududeeyay in cunugta guriga lagu hayo.

Sikastaba, Ruqiyo waxaa lagu xukumay dil toogasho, halka Ismaaciil lagu ridday saddex sano oo xabsi ah, sidda ay sheegeen garsooreyaasha.

Sidda ay wararku sheegayaan, Ruqiyo ayaa seygeeda ku qancisay in ay iyaddu dhashay cunugta maadaama ay xiligaas Uur lahayd.

"Xukunadda waxaa ka furan racfaan qaadasho 30-casho ah," ayuu yiri Guddoomiyaha maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Bari, Abuukar Cabdinuur Jaamac oo xukunadda shaaciyey soo xiray fadhiga maxkamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM