Bosaso: Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii saldhiga Bartamaha

Image

January 11, 2015 (GO)- Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar xalay lagu qaaday saldhiga dhexe ee booliiska degmadda Bosaso.

Afhayeenka hawlgallada Ururka Al-Shabaab Cabdicasiis Abu-Muscab ayaa sheegay in ay afar askari ku dhaawaceen labo bam gacmeed oo xalay lagu tuuray saldhiga Bartamaha, balse saraakiisha booliiska Bosaso ayaa Garowe Online u sheegay in weerarkii xalay dhaawac fudud uu ka soo gaaray labo askari iyo qof rayid ah.

Dhanka kale afhayeenka hawlgalladda Al-Shabaab wuxuu xusay in ay ka dambeeyeen qarax miino oo saddex askari oo ka tirsanaa ciidamadda maamulka Jubba ku geeriyoodeen.

Qaraxaas oo galinkii dambe ee shalay ka dhacay xaafadda Guul Wade ee magaaladda Kismaayo, wuxuuna ka dhashay miino jidka dhinaciisa lagu aasay oo ah nooca meelaha fog laga hago.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay dagaalo xoogan ayaa waxaa ku dhexmaray buuralaydda Galgala oo waqooyi galbeed Bosaso kaga beegan ciidamadda amaanka Puntland iyo Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM