Ciidamo taabacsan Puntland oo howlgal ka fuliyay Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Wararka laga helayo magaaladda Laascaanood ee xarunt gobolka Sool, ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad degaanka ka soo jeeda oo taabacsan ciidamada Puntland ay xalay saqdii dhexe ka fuliyaan Howlgal ay ku beegsaden Saldhigyada Booliska Somaliland.

Howlgalkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu sababay khasaarooyinka kala duwan, oo gaarey labada dhinac oo halkaasi ku dagaalamay.

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen, lix kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, waxay sheegeen inay maqleen Rasaas xoogan, taasoo labadda dhinac ay isku adeegsadeen intii uu dagaalka socday.

Wararka ayaa waxay sheegayaan Saldhiga ay kasoo ciidamada hubysnaa ee kasoo jeeda  Maxaabiis, kuwaasoo maamulka Hargeysa ciidamadda taabacsan ay ku hayeen halkaas.

Xaaladda Magaalada ayaa waxay tahay mid degan waqti xaadirkaan, inkasta oo ay jirtay saacadihii lasoo dhaafay cabsi u saabsan weeraro rogaal celis ah oo Somaliland ka yimaadda.

Waa weerarkii labaad oo muddo tobaad gudaheeda ah oo ay ciidamadda iska abaabuley gudaha Laascaano howlgal ka fuliyaan gobolka Sool, iyadoona midkii horey sidaan kale ay kusoo furteen Maxaabiis xabsiga ugu jiray Somaliland.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Hay'addaha Xasaraha caalamka ICG ay ka digtay dagaalo mar kale dhex-mara Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo ay sheegtay inay ka dhalan karto dagaal furan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM