Culimo waanwaan ka dhex wadda ciidamo isku hor fadhiya Qarxis [DHEGEYSO]

Image

June 24, 2015 (GO)- Xilli cabsi weyn laga qabo dagaal ka bilowda gobolka Nugaal ayaa qaar kamid ah culimaa'uddiinka Puntland waxay kala dhex galeen ciidamada uu hoggaaminayo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ee ku sugan duleedka degmada Qarxis iyo ciidan kale oo dowladdu u dirtey inay Gen. Muxiyadiin soo qabtaan.

Sheekh Axmed Daahir oo hoggaamineyey wafdiga culimada ayaa Radio Garowe u sheegay inay lasoo kulmeen saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan islamarkaana labada dhinacba ballan qaadeen inaysan wax dagaal ah qaadi doonin.

Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dhaqanka iyo mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda inay xaaladda soo fara geliyaan, si looga baaqsado dagaal halkaas ka dhaca.

Ciidamo uu hoggaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo boqollaal gaaraya ayaa labo maalmood kahor u ruuqaansadey dhanka degmada Eyl, kadib markii dowladdu magaalooyinka Garowe iyo Bosaso kasoo dirtay ciidamo wata ku dhowaad soddon gaari, si ay xoog ugu muquuniyaan Gen. Muxiyadiin iyo ciidamadiisa.

Shalay ilaa maanta waxaa ciidanka Muxiyadiin ku biiray ku dhowaad labo boqol oo askari, kuwaasoo isugu jira ciidamo ka gadooday kuwa dowaldda, askar horay uga tirasanaan jirey ciidanka dowladda iyo dhallinyaro iska abaabushey tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee u dhexeeya Qarxis iyo Eyl.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM