​Dadka la nool xanuunka HIV oo samaystay Dallad [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Dadka la nool Fayraska cudurka HIV-ga ee ku nool deegaanada Puntland, ayaa markii ugu horaysay samaystay dallad ay ku midaysanyihiin taasoo sida ay sheegeen u dedaali doonta daryeelkooda iyo wax ka qabashada faquuqa ay kala kulmaan bulshada.

Dalladan oo loo bixiyay (Daryeel) ayaa xafiiskii ugu horeeyay ka samaysatay magaalada Garowe, waxaana xariga ka jaray madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha hay’adda PAC  iyo Saraakiil kasocota hay’adaha daneeya u qareemida dadkaas.

Samaynta Dalladan ayaa sida la sheegay socotay muddo ku dhow 10 sano, waxaana Guddoomiye looga dhigay Cabdalle oo ah shakhsi la nool cudurkaas halka Guddiga sare oo ka kooban 7 xubnooda isagu jiraan 4 qof oo daris la ha Fayraska HIV-ga, Qof ganacsade ah, Mid ka socda bulshada rayidka ah iyo Wadaad.

Agaasimaha  Guud ee hay’adda Puntland u qaabilsan Cudurka Aids-ka ee loo yaqaano PAC, Cabdulqaadir  Maxamed (Bur-burshe) oo ka hadlayay furitaanka xaflada lagu daah-furyay Dallada Daryeel ayaa sheegay in muddo saddexda Bilood ee soo socota taageeri doonaan si ay u saldhigtaan islamarkaana shaqo fiican u qabteen, wixii loo gaaro sannadka cusubna ay iyagu is dabari doonaan.

“Samaynta dalladan waxay qaadatay waqtiga dheer  ALLE ayaa mahad iska leh inaan maanta ka dhabayno riyo waqti dheer soo socotay, waxaana uga mahadcelinaynaa Madaxweyne ku-xigeenka iyo Hay’adda UNICEF oo dadaal dheer ku bixisay arrintan,” Ayuu yiri Bur-burshe oo hadalkiisa ku daray in muddo saddex bilood ah qabteen howl adag oo ay kamid tahay Aas-aaska Dalladan, Siyaasadda HIV iyo Page ka shaqayn doona sidii dadkaas loo caawin lahaa.

Cabdalle oo ah shakhsi la nool cudurkan islamarkaana Guddoomiye looga dhigay Dalladan, ayaa sheegay in xil adag loo dhiibay islamarkaana shaqadii ugu horaysay uu maanta bilaabay kadib markii uu Madaxweyn ku-xigeenka kala hadlay baahiyahooda.

“Dallad ayaan samaysanay waxana rabnaa inay cagaheeda ku socoto, maanta waan samaynay waxaana u bixinay Daryeel sababtana waxaa weeye inaan anagu is-daryeelo idinkuna aad na daryeeshaan,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Dalladaas.

Xubno kasocday Xukuumadda Puntland, Barlamanka, Hay’adda UNICEF , maamulka gobolka Nugal iyo Dhaqaatiir ka hadlayay xafladda lagu Daahfurayay Dalladan ayaa ku baaqay in dadka la nool Cudurkan la caawiyo islamarkaana la tuso inay kamid yihiin bulshada. Dadka la nool Cudurkan ee Ragga iyo Dumarka isugu jirta ayay ugu baaqeen inay ALLE ka cabsadaan oo aysan u gudbin bulshada caafimaadka qabta.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camey, oo sidoo kale xariga ka jaray xafiiska Dalladaas ayaa u mahadceliyay dhamman hay’adaha ka shaqeeya barnaamijkan, isagoo sheegay in dowladdu ku taageeri doonto wixii baahi ah ee ay qabaan.

“Waxaan filayaa inaad igala hadashay dhinaca Guryahay iyo Nafaqaynta, waxaana ballan qaadaynaa inaan il gooni ah idin ku eegno markasta oo wax yimaadaan. Waa run Gurigu waa muhiim waxaana ku dedaali doonaa inaad heshaan xuquuqdiina.” Ayuu yiri Camey.

Dadka la nool cudurkaas ayuu ugu baaqay inaysan qarsan oo ay tagaan goobaha caafimaadka.

“Dadka gaalada ah ayaan ku aqaanay Adba waa qabtaaye ku rid, anigana waxaan u arkaa Dambi aad ka gashay qof bini aadam ah, waxaan nahay dad Islaam ah Aakhirana waa dambi lagula xisaabtami doono, Marka ha isku dayin inaad cudurka qaadsiiso walaalkaa ama walaashaa.” Sidaas waxa hadalkiisa ku daray Camey.

Cudurkan ayaa la sheegay inuu kor u kacay sannihii ugu dambeeyay sida uu sheegay Agaasimaha PAC, taasoo sabab u tahay in dadka qaba cudurkan ay qarsadaan islamarkaana ku faafiyaan bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM