Deni: DF sidaan ugu gurman jirnay ayay gurmad nooga baahan tahay

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaadey in Dowladda Soomaaliya "ay haatan gurmad kaga baahan tahay Puntland, marka loo eego xaalada ay ku sugan tahay".

Isagoo khudbad ka jeediyey xaflad lagu qabtay Boosaaso oo lagu soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, Deni ayaa u sheegay wax-garadka in aan la marin-habaabin.

"Ninkaa kaba ka tolaneysid kabahiisa ayaa la eegaa, baa la yiri, marka ninka nabadaada iyo noloshaada kaaga sheekeynaayo oo wax ka qaban la' albaabkiisa, mararka qaarkii dadkan intaan waa dhaami jireen ma aqaano meelay wax ka qal-dameen," ayuu madaxweynuhu ku daray.

Dowladda madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in ay ku guuldareystay xasilinta magaalada caasimada ayaa lagu eedeeyay in ay farageliso arrimaha gudaha maamulada iyo kicinta bulshadda.

"In runta laysku sheego ayaa la rabaa, dowladda federaalka sidaan ugu gurman jirnay, annaga ayey gurmad naga rabtaa," ayuu tibaaxay.

Maxaa isku haya Puntland iyo Jubaland?

Socdaalka Axmed Madoobe ee Boosaaso oo ah markii ugu horeysay 50-sano ah kadib ayaa daaran xoojinta iskaashiga iyo danaha ay wadaagaan labada maamul, sida uu Deni shaaciyey.

"Puntland iyo Jubaland waa mataano, mar haddey jiraan labadii cirif [Raas Caseyr iyo Raas Junbo] inta u dhaxeysa xil baa ka saaran, wanaag baa ka saaran yahay iyo in horumarka ay dhaqaan," ayuu xusay.

Dowladda Puntland oo kaalin ku lahayd dhismihii Jubaland ayaa kali ku noqotay taageerida dib u doorashada madaxweyne Axmed Madoobe kadib coddeyn taariikhi ah oo 2019 ka dhacday Kismaayo.

Jubaland ayaa sidoo kale ah maamul goboleedkii labaad ee ka dhismay Soomaaliya tan iyo markii dalku ka hirgalay nidaamka federaalka oo ay horumuud iyo "hooyo iyo aabe sax ah" ay u tahay Puntland.

"Ilaaliyaha" federaalka

Madaxweyne Deni oo sii hadlaya ayaa cod dheer ku qeexay in Puntland ay mar walba tahay "ilaaliyaha nidaamka federaalka Soomaaliya".

Nidaamka federaalka ayuu sheegay in Puntland u horseeday horumar si lamid ah in ay noqoto meel ay kusoo hirtaan dadka Soomaaliyeed iyo bulshooyinka qaar kamid ah dalalka deriska marka ay duruufo yimaadan.

"Taasna waxaa keenay dadkeeda oo Soomaalinimadu dhab ka tahay, in lawada noolaadana ay dhab ka tahay," ayuu ku sharaxay Deni.

Wallow uu carabka ku dhuftay in uu dhageysan doono talooyinkooda iyo cabashada qeybaha kala duwan ee bulshada, si gaar ah culumada ayuu ku waaniyey in siyaasada uga dambeeyaan hogaanka.

Baacsiga argagixisada

Mar uu soo qaadey arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisadda, Deni ayaa rajo fiican ka muujiyey in 2020 ciidamada ay ku guuleystaan in ay gobolka Bari ka sifeeyaan Al-Shabaab iyo Daacish.

"Dadkii oo dhan dareen baa ku jira cabsi horumarkaaba adkaanaya, marka waxaan rajeynayaan labada buur ee la sheegayo in aan sanadkan 2020 soo afjarno, hadii ilaahey idmo," ayuu tibaaxay.

Gabagabadii, dadweynaha ayuu ku booriyey in ay dowladooda iyo hay'addaha nabad-gelyadda ku garab siiyaan ciribtirka argagixisada ku dhuumaaleysanaysa degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM