Deni oo fariin u diray ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka yeelanayo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha uu soo magacaabayo madaxweyne Farmaajo waajibaadka horyaala waa in dalka ka hirgeliyo doorasho waqtigeeda ku dhacda, sidda uu shaaciyey Saciid Cabdullaahi Deni.

Isagoo ka hadlayey munaasabadii 1-da August ee xalay lagu qabtay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, Deni ayaa ka digey in uu “ku mashquulo” arrimo kale oo ay kamid tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Deni oo sharci darro ku tilmaamay magacaabida xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'adda Batroolka Soomaaliya ayaa uga digay madaxweyne Farmaajo iyo shacabka in ay ku kadsoomaan arrintan.

“Golaha Adeega Garsoorka oo ah qodob aad muhiim ugu ah dowlad-dhiska Soomaaliya oo ah hay’adda saddexaad ee aas-aaska u ah waliba sharciga oo ay ka dhalan [doonto] maxkamadii dastuuriga ahayd sidda sharci darada ah ee loo maray iyo iyaga oo aan awood u lahayn in ay saxiixaan oo Garyaqaanadii guud, bulshadda rayidka iyo cid walba ay ka qayliyeen; madaxweyne Farmaajo arrintaas haka digtoonaado," ayuu ka yiri xafladda.

Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu hadalkiisa raaciyey: “Dalkaan haduu soo kabanayaa yaanan dib loogu celin kala irdhow".

"Arrinta ku saabsan kheyraadka iyo batroolka, iyaddana yaan lagu kadsoomin, caalamkana waxaan u sheegayaa hantida Umadda Soomaaliyeed heshiiska ku ahayd cidii gadata iyaddaa mas’uul ka ah. Puntland horey u sheegtay xeerkaas kama tirsana, guddiga la sheegayo cidna kuma darsan," ayuu cadeeyay.

Wuxuu ku daray: "Dowladda afarta bilood u hartay shuruuc rasmi ah xataa dowlad rasmi ah oo ra’iisul wasaare sax ah hadey soo magacaabaan howlahaas in ay isku mashquuliyaan maahan xataa; ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabayo iyo xukuumadiisa muddo xileedka yar ee dhiman waxaa laga rabaa dalka in ay doorasho geliyaan, wax kale in ay waqti ku lumiyaan lagama rabo".

Shirka soo aadan ee lagu madalsan yahay in uu ka dhaco Dhuusamareeb ayuu ka dhawaajiyey in ay kula xisaabtamayaan dowladda federaalka.

Hogaanka federaalka ayuu ku eedeeyay in ay burburiyeen "rajadii wanaagsaneyd" oo ay la tageen wadahadaladii dhowaan kusoo dhamaaday caasimada Galmudug.

Ugu dambeyntii, isagoo si cad u balanqaadey in ay ka shaqeynayaan danaha Ummadda Soomaaliyeed ayna diidi doonan waxay wax walba oo liddi u ah, shacabka ayuu uu baaqay in ay kala shaqeeyaan hirgelinta arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM