Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde].

Nuur Cadde ayaa isbitaal ku yaala koonfurta caasimada Ingiriiska ee London wuxuu aroornimadii maanta ugu geeriyooday fayruska Corona, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay qoyskiisa.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda, Deni ayaa ALLE u waydiiyey naxariistiisa Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Suubanihii Rasuulkeena Maxamed SCW.

Hoos ka akhriso bayaanka

Madaxweyne Deni Oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyoodey dalka Ingiriiska, waxaana uu u geeriyoodey caabuqa Covid-19.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa muddo dheer ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilliyadii Isticmaarka iyo dowladihii kala dambeeyey ee dalka illaa iyo 1990-kii, sidoo kale waxaa uu kasoo shaqeeyey Arrimaha bini'adamtinimada, gaar ahaan xilligii burburka, isagoo Madax ka ahaa Hay'adda Bisha Cas, waxaana uu gacan ka geystey baahiyihii badnaa ee xilligaasi dalka ka jirey.

November, 22, 2007 Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa Madaxweynihi Soomaaliya ee xiligaas Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed u magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Dowladii Ku meel gaarka aheyd.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba waxaa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Alle ha u naxariistee Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Suubanihii Rasuulkeena Maxamed SCW.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM