Deni oo ku baaqay in wada hadalka DF iyo Somaliland lagu qabto Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabad ka qabsoontay Garowe ayaa soo jeediyay in wada hadaladda dowladda federaalka iyo Somaliland lagu qabto caasimada Puntland.

Wada xaajoodyadda oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2011-kii ayaa arrinta ugu weyn ee la isku hayo waxay tahay maqaamka maamulka Hargeysa oo madax banaani sheeganaya tan iyo sanadkii 1991-dii.

Balse dalalka caalamka oo idil ayaa waxay u aqoonsan yihiin maamul goboleed hoos-taga xukuumadda Muqdisho, oo ku adkeystay in midnimadda Umadda Soomaaliyeed ay tahay mid muqadas ah.

"Arrinta Soomaaliya-Somaliland waa caqabad kale, oo hortaagan [dhameystirka] dastuurka. Waxaan kaloo soo dhaweynayaa in walaalaheen gobolada waqooyi ay Garowe yimaadan, oo ay dooda ka qeybgalaan," ayuu xusay.

Dhawaqan cusub ayaa kusoo beegmaya iyadda oo dowladda Puntland ay horey u codsatay in laga qaybgeliyo wada hadaladda "maadaama uu saameynayo ayna la leedahay xuduud".

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo diblumaasiyadeed, mas'uuliyiinta dowlada federaalka iyo Somaliland ayaa isku raacay in uu qabsoomo wada hadalo balse dooda waxay ka taagan tahay halka lagu kulmayo.

Dhinaca kale, Deni oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaadey in xukuumadiisa ay diyaar u tahay martigelinta shirarka quseeya maqaamka Muqdisho, oo sanadihii lasoo dhaafay kamid ahaa mawduucyadda siyaasadeed ee dalka.

"Muqdisho waa magaala madaxdii Soomaaliya, waa magaaladda astaanta u ah Qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda in dood aanan dhameyn uu ku jiro aad bey noo dhibeysaa, runtii," ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, wuxuu meesha ka saarey in uu mugdi ku jiro in gobolada Sool iyo Sanaag ay yihiin dhulka Puntland, wuxuuna carabka adkeeyay in ay ka go’an tahay ilaalinta xuduudaha iyo dadka maamulkan.

Maqaamka Muqdisho iyo wada hadaladda Somaliland ayaa kamid ah caqabadaha hortagaan dhameystirka dastuurka qabyada ee dalka, maadaama aanan xal rasmi ah laga gaarin.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM