Deni: Hadii DF kasoo dabci lahayd laba arrin ma burbureen shirkii Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu la hadlay Golaha Wakiilada dowladda Puntland kahor inta uusan si rasmi ah u furin kalfadhiga 44aad ee Aqalkaasi.

Deni oo khudbadiisa ay socotay in ka badan 30 daqiiqo isla markaana si toos ah looga baahinayey warbaahinta ayaa waxa uu kusoo qaadey wax-qabadka xukuumadiisa mudada afarta bilood ah iyo arrimo kale.

Isaga oo sharaxaya waxyaabaha u qabsoomay ayaa waxa uu xusay mid kamid guulihii waaweyn ee ay gaartay ay kamid tahay martigelinta kulankii madaxda dowlada iyo maamulada ee Garowe.

Inkasta oo wada xaajoodkaasi uu burburay hadana Deni ayaa soo bandhigay laba arrimood oo uu xusay in hadii madaxda xukuumada federaalka ay ka tanaasuli lahaayeen uu shirka guuleysan lahaa.

"Waxaan isku taxaluujinnay in aan kala aragti-duwanaantii aan xalino kuna baddalno is-fahan, wadashaqeyn, is ixtiraam iyo dhaqagelinta sareynta Sharciga," ayuu yiri, isaga oo daba dhigay: "Nasiib daro 7 bari kadib shirkii wuxuu kusoo dhamaadey natiijo la’aan. Waxaan aaminsanahay in laga baaqansan-karay burburka wada xaajoodka hadii dowlada federaalka ahi kasoo dabci lahayd maroorsiga iyo isku kaliyeelidda talada dalka.

Sidda uu horey u baahiyey warsidaha Garowe Online, qodobada soo dedajiyey in lagu kala dhaqaaqo kulanka ayaa ah markii madaxda dowlada ay diideen in dib loo celiyo sharciyada bartoolka iyo doorashooyinka si lamid ah is-afgarad laga gaaro deeqaha caalamka iyo dib u eegiska dastuurka.

"Puntand waxay wali diyaar u tahay in wada xaajood iyo is afgarad laga gaaro xiriirka aan wanaagsaneyn ee kala dhaxeeya dowlada federaalka," ayuu Deni xusay.

Wuxuu intaasi daba dhigay: "Puntland waxay mar walba hormuud u tahay ku dhaqanka iyo dhowrista sareynta sharciga, hirgelinta iyo adkeynta nidaamka federaalka iyo sidii afgarad looga gaari lahaa arrimaa masiiriga ah ee dalka waana sababtii ay u martigelisay shirkii wadatashiga ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee ka dhacay Garowe.

Fashilka ku yimid wada hadalkaasi ayaa waxa uu baal madow ka galay taariikhda hogaaminta Farmaajo maadaama uu noqday shirkii ugu horeeyay ee maamulada iyo dowlada ee soo idlaaday iyada oo aanan wax heshiis ah la gaarin.

Dhanka kale, madaxweyne Deni oo sharaxaya mashaariicdan qorsheysan ee xukuumadiisa fulin doonto mudada u harsan ayaa ku tilmaamay dhismaha wadooyin cusub, dekad iyo dhameystirka garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Mar uu soo qaadey kiiskii Caasha Ilyaasi ayuu shaaciyey in la fulin doono xukunka dilka toogashada ah ee lagu riday ragga lagu helay dambiga kuwaasi oo tiradoodu gaareyso saddex.

HOOS KA DAAWO HADAL-JEEDINTA OO DHAMEYSTIRAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM