Deni oo sharaxay diidmada dowlada Puntland ee Shirka Muqdisho

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u sharaxay sababta ay Puntland uga soo horjeesatay Shirka Bahwadaagta Soomaaliya ee Talaadadii, 1-da October ka furmay Muqdisho.

Shirkaas oo Arbacadda maanta ah lasoo gabagabeynayo ayaa looga hadlayaa waxyaabaha ka qabsoomay Shirkii kii kahoreeyay ee lagu qabtay Belgium-ka, waxa aan qabsoomin, sababata, caqabadaha iyo qorshaha cusub.

“Maanta waxaa ka furmay Magaalada Muqdisho Shir layiraahdo Shirka ‘Somali Partnership Forum’ oo ay ku kulmaan madasha isbahaysiga Soomaaliya iyo Caalamka oo looga tashado Marxaladda Soomaaliya Marayso iyo sidii Hormarkeeda looga shaqayn lahaa".

Wuxuu xusay: "Dawladda Puntland Shirkaas Kama aysan Qayb-galin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan halka kala wadaago sababaha kalifay in Puntland Ka qayb gali waydo, maadaama Puntland ay ahayd Hooyadii Faderaalka, Maadaama Puntland ahayd xubin aasaasi u ah Midnimada Soomaaliya iyo Federaalaynta, iyada iyo xubnaha kale ee dawladuhuna ay arrintaas kasimanyihiin".

Deni, oo habeenimadii Talaadada la hadlayey bulshadda magaaladda dekadda iyo xeebta leh ee Boosaaso, xarunta gobolka Bari, ayaa si furan u iftiimiyay waxa dhaliyay in ay qaadaceen ka qeybgalka kulankaas muhiimka ah.

“Waxaan aad uga xunahay shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay, in Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan".

Sidda ku cad jadwalka, maalinta koowaad waxaa shirka warbixino looga dhageystay Wasaaradaha xukuumadda federaalka, halka maalinta labaad ay hadal-jeedino leeyihiin hogaamiyeyaasha waddanka.

"Waxaan ka xunahay markii aan hubsanay inay arrimahaas sidaas ujiraan oo aan talo kulahayn, oo waxa kasoo baxaya aan ra’yi kulahayn oo Puntland baahiyaheeda aan lawaydiinayn, oo idinkuba waa arki kartaane layiraahday waxaad ku leedihiin shan daqiiqo oo dadka carabiga yaqaana layiraahdo “TACLIIQ” ama “REMARKS".

Madashan oo noqoneysa markii ugu horeysay oo magaala madaxda Soomaaliya lagu qabtao ayna tahay markii afaraad oo la isugu yimaado ayaa waxaa ka qeybgashay 50 dowladood oo ah kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

"Khudbad nin akhriyay ayaa shan daqiiqo idinkuna waxaad leedihiin inaad Comments ka bixisaan ama ka hadashaan, intaas in ay noqotay qiimihii Puntland laga dhigo aad baan uga xumaaday runtiina wax Puntland ay qaadan karto ma aha Bulshada Caalamka oo dhanna si cad ayay ugu cadaysay inaysan arrintaas raali ka ahayn".

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa ku nuux-nuux saday in ay diyaar u yihiin wada-xaajood fool-ka-fool ah oo ay la galaan dowladda federaal si bulshadda u ogaato "cidda khadal iyo darafka saxan".

"Sidda marka doorashooyinka ay dhacayaan looga daawado Telefishinadda…waxaan diyaar u nahay wada hadal furan oo doodeena aan si cad u sheegi doono…si bulshadeeduna u aragto markaas cidda khaldan iyo cidda saxan," ayuu ku daray.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni oo fariin u diraya dadweynaha Boosaaso ayaa ku booriyey in soo dhaweeyaan maalgashiga caalamiga ah, isla markaana aysan dheg-jalaq u siinin kuwa sida xun u fasiraya maalgashiga.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM