Tirada ardayda naafada ah ee 2019 ka qayb-gashay Imtixaanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Sabtidii, 18-ka May, ayay ahayd markii si rasmi ah uu degaanada Puntland uga bilowday Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalada 8aad [Dhexe] iyo 4aad [Sarre].

Khamiistii, 23-da bisha May, ayuu "si nabad ah, guulo ah iyo iyada oo aysan dhicin wax dhibaato ah" uu kusoo gabagaboobay Imtixaanka, sidda ay ku dhawaaqday Wasaaradda Tacliinta.

Sidda ku cad warbixinta wasaaradda, ardayda sanadkan u fadhiisatay Imtixaanka ayaa waxay gaareysaa 15,892. Tirada guud ee wiilasha waa 9,665, halku gabdhuhu ahaayeen 6,327.

Dugsiyada ka qaybgalay ayaa dhan 385 oo 297 kamida ay ahaayeen dhexe, 88-da kale waa Sare. Iskuulka ugu fog wuxuu caasimada Garowe u jiray 1556 KM, waxaana lagu magacaabaa Bareedo.

Xarumaha lagu galay oo wadar ahaan gaarayey 106 goobood ayaa 66 kamid ah waxaa fadhiisatay ardayda dugsiga dhexe oo dhan 10,887, kuwaasi oo 4,439 ay gabdho ahaayeen.

Goobaha ay ku galeyn ardayda fasalada dugsiga sare oo tiradoodu gaareysay 5,005 oo 1,888 kamid ay Inamo ahaayeen ayaa ku galay 44 goobood oo ay ku jiraan xarumo dowladeed.

Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu xusay in guud ahaan ilaaliyeyaasha Imtixaanka ay ahaayeen 794 xili kormeerayaasha ay dhamaayeen 130. Ciidamada Booliska ee amniga sugayey ayaa iyagana ahaa 130 askari.

Gaadiidka magaalooyinka Puntland isugu kala gudbinayey Imtixaanka oo qaarkood ay dowladdu lahayd ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 63 oo aanan la kulmin wax caqabado ah.

- Muxuu Imtixaanka sanadkan kaga duwanaa kuwii hore? –

Dabcan, xaalado badan oo is-biirsaday oo sida roobab caqabad ku keeni karay Imtixaanka sanadkan ayaa lagu guuleystay in la xaliyo, taasi oo sababtay in uu noqdo mid ka gedisan kuwii horey loo qaaday.

Xaqiiqada ugu wayn ee laga diiwaan-geliyay Imtixaankan ayaa waxay tahay in madaxda dowlada Puntland oo uu ugu sareeyo Madaxweyne Deni ay ahmiyad gaar ah siiyeen sidii u miro dhali lahaa.

Intaasi waxaa wehlisa, in la sameeyay maamul daadejin, iyada oo gobol walba la siiyay awood isku filaanshiyo oo uu ku maamusho Imtixaanka, isaga oo taageero dhan kasta ah ka helaya dowladda.

Sheekooyinka naadirka ah ee lagu arkay Imtixaanka sanadkan waxaa kamid ah in markii ugu horeysay ay ka qaybgaleyn dad aysan lixaadkoodu dhameyn. Shan arday oo araga Naafo ka ah ayaana kasoo muuqatay.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa markii ugu horeysay waxay hirgelisay in ilaaliyeyaal gaar ah ay u dirtay dad ku jiraan Hooyooyin fasalada soo xaadiri waayey caqabado haysta awgeeda, waana wax ku cusub ku Imtixaanka sanadkan.

Puntland oo horumuud u ah nidaamka federaalka Soomaaliya iyo hay’addo dowladeed oo shaqeynaya ayaa qaabka ay u maamusho Imtixaanka waxay kamid tahay waxyaabaha ay uga deyan karaan maamulada kale.

Imtixaanka sanadkaan ee xukuumada federaalka ayaa guuldareystay markii la dusiyey, isla markaan suuq madow lagu iibiyey, taasi oo sababtay in la laalo dibna loo qaadi doono dhamaadka sanadkaan.

HOOS KA DAAWO WARKA OO MUUQAAL AH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM