Dhoolawaa: "Puntland xaq bay u leedahay baarista shidaalkeeda"

Image


[GO, Isniin, Sep 8, 2014]- Agaasimaha Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland ayaa ka jawaabay hadal dhowaan kasoo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Federaalka oo sheegayey in shirkadaha shidaal baaristu aanay si hoose ula heshiin karin maamullada kale ee dalka ka jira.

Ciise Maxamuud Faarax (Dhoolawaa) oo maanta xafiiskiisa Boosaaso war-fidiyeenka kula hadlay, ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay xaq dastuuri ah u leedahay maaraynta shidaalka iyo macaadinta kale ee dhulkeeda ku jira.

"sida aad ka war qabtaan Dowladda Federaalku labo maalmood kahor waxay ka hadashay arrimo ku saabsan shidaalka...waxan idiin sheegayaa sharciyan marka loo eego Dastuurka Federaalka iyo kan Puntland inay khaldan yihiin oo ay siyaasiyan yihiin niman iska riyoonaya.."Dhoolawaa ayaa sidaa yiri.

Dhan kale, wuxuu sheegay in xilligan xiriirka Puntland iyo Federaalku uu go'an yahay, in warbaahinta wax laysu soo mariyana ay sharci darro tahay loona fasiran karo nacayb qoto dheer iyo shiddo lagu hayo Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye Dhoolawaa.

Muranka la xiriira shidaal baarista iyo weliba heshiisyada lala gelayo shirkadaha shidaalka soo saara ee ka dhexeeya Puntland iyo Dowladda Muqdisho wuxuu soo bilowday sanadkii 2005, markaas oo Puntland uu madaxweyne ka ahaa Cadde Muuse.

Bishii January ee sanadkii 2012 ayey ahayd markii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole uu si rasmi ah u daahfuray masharuucii shidaal baarista Puntland, xilligaas oo la bilaabay qodaalka ceelka Shabeel Kow.

Sahamo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in goobo kamid ah dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal  uu dhex ceegaago kayd shidaal oo gaaraya malaayiin fuusto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM