Dowladda Federaalka oo soo dhawaysay baaqii kasoo baxay Dowladda Puntland

Image

Muqdisho [GAROWE ONLINE]- Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta DF Mustafe Shiikh Dhuxulow ayaa lagu sheegay DF inay soo dhawaynayso baaqii kasoo baxay shirkii wada tashiga ahaa ee 20 August kusoo idlaaday madaxtooyadda Puntland ee Garowe.

Inkastoo qoraalkan aan lagu faah faahin qodobada go'aankaasi kasoo baxay inay taageersan yihiin madaxda DF hadana waxaa lagu sheegay inay soo dhawaynayaan wada hadal Puntland iyo DF dhex mara si looga gudbo khilaafka labada dhinac u dhaxeeya.

''Dowladu waxay qiraysaa in dowlada Puntland ay ahmiyada weyn ugu fadhiso dowlada dhexe ee Soomaaliya waxayna dowlada Federaalka garowsantahay mas’uuliyada ka saran sare u qaadida xasiloonida,horumarka, iyo degnaanshaha deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya''.

Shirkii wadatashiga ahaa ee Garowe ku dhexmaray madaxda ugu saraysa Puntland iyo xildhibaanadii ka socday DF ayaa waxaa kasoo baxay afar qodob kuwaasoo sheegaya Puntland inay diyaar u tahay wada hadal balse ay wada hadalkaasi sharuud uga dhigtay in beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan si ay u noqdaan kuwo hirgala oo lagu wada dhaqmo.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay inay ku kooban yihiin mucaawinooyinka magaca umadda lagu soo qaado magalada Xamar isla markasna aysan raali ka noqon doonin wax kasta oo Somaliya loogu deeqo inuu soo dhaafi waayo Muqdisho.

Magalada Muqdisho ayaa 30.July lagu saxiixay heshiis ka kooban 11 qodob oo lagu doonayo in mamul loogu sameeyo Mudug iyo Galgaduud iyadoona markii danbe madaxda Puntland ay walaac arrintaasi ka muujiyeen.

Shir jaraa'id uu madaxwayne Gaas 31.July ku qabtay xili habeen ah madaxtooyadda ayuu ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray DF taasoo dadka shaki galisay maadama uu madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole xiriirka u jaray dowladda Xasan Shiikh Maxamuud oo si bareer ah dastuurka qodobo ku qoran ka saartay kuwo kalena dhalan rogtay.

Lama yaqaan ilaa iyo hada goobta uu wada hadalka ku dhexmari doono Puntland iyo DF maadama uu wali go'an yahay xiriirka wada shaqaynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM