Dowladda Kilinka oo aan kasoo qayb gelin furitaankii Kastamka

Image

January 13, 2015 (GO)- Shalay waxaa la dhagax dhigay bar-kantarool oo laga hirgelinayo deegaanka Tuurdibi oo hoos taga degmada Galdogob ee gobolka Mudug una dhow xadka u dhexeeya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Dowlada Puntland.

Bartaas oo furitaankeeda muddo dheer dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole hoggaaminayey kasoo shaqeynaysey xukuumadda Madaxweyne Gaasna mudadii sanadka ahayd ee ay jirtey dib usii amba qaatey, waxaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaadato xoojinta xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Puntland maadaama ay fududaan doonto in badeecooyinka ka imanaya labada dhinac si sahlan isugu gudbaan.

Safarkii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Gaas ku tegey dalka Itoobiya wuxuu la xiriirey arimo ay kamid tahay hirgelinta Kastamka Tuurdibi. Markii ay soo idlaatey booqashadiisii Itoobiya, Madaxweynuhu wuxuu halkaas kaga yimid Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Indho Guran, kaasoo loo xil saaray dhameystirka howsha inta ka dhiman iyo weliba inuu isku duba rido hab maamuuska xafladda furitaanku u dhaceyso.


Culeyska wafdiga ka tegey Puntland iyo maamuus la'aanta dhacday:

Puntland waxaa ka tegey wafdi tiradoodu kor u dhaafaysey 200 oo xubnood, kuwaasoo isugu jirey mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, ganacsato, culimaa'uddiin iyo waxgarad. Dhanka dowaldda waxaa metelayey shan wasiir, labo wasiir ku-xigeen iyo lix xildhibaan.

Wasiirrada xafladda furitaanka shalay ka qayb galay ayaa kala ahaa Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiir Ku-xigeenka Haweenka iyo Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha.

Dowlad Deegaanka Itoobiya waxaa laga filayey inay ka yimaadaan wafdi heerkoodu sarreeyo, haseyeeshee waxaa wafdiga Puntland oo watey in ka badan 300 oo gaari weji gabax ku noqotey inay goobta ugu tageen mas'uuliyiin xilal hoose ka haya gobolka Wardheer  kuwaasoo watey hal gaari oo qura. 

Garowe Online ayaa ogaatey in dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ka joogeen labo xubnood oo kala ahaa duqa degmada Gallaadi iyo mas'uul kale oo diidey inuu magaciisa shaaciyo balse sheegtay inuu yahay guddoomiye ku-xigeen  gobolka Wardheer.

Waa markii ugu horeysey inta la xusuusto taariikhda Puntland ee hab maamuus sidan u liita loogu qaabilo wafdi ka socda Puntland, arintaasoo ganacsatadii goobta joogtey aad uga xumaadeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM