Fariimaha Farmaajo uu ka aruriyay shacabka Puntland [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay fariimaha iyo talooyinka uu ka aruuriyay shacabka reer Puntland intii uu ku ugudaha jiray booqashiisa Todobaadka qaadatey.

Isagoo ka hadlayay Xaflad ka dhacday Boosaaso, ayuu ka sheegay Farmaajo in dadkii kala duwanaa ee uu la kulmay intiii uu ku sugnaa Puntland ay siiyeen ra'yi iyo feker ku aadan sidoo loo hormarin lahaa dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ra'yi aruurinta uu sameeyay ay qeyb ka ahayd Booqashadiisa uu ugu kuurgalayay howlaha iyo waxa ka jira Puntland, iyo inuu isna uga warbixiyo xaaladda guud ee dalka.

Wuxuu xusay Farmaajo in talooyinka la siiyay ay muhiim u yihiin shaqada dowladdiisa maadaama ay tahay mid shacabka ay doorteen, kana tarjumayso danaha Ummada Soomaaliyeed.

Dardaaranka uu helay Farmaajo waxaa kamid ah in dowladda dhexdheeda ay yeelato wadashaqeyn, islamarkaana ay ka fogaato is-qab-qabsiga iyo khilaafka ragaadiyay dowladiihi ka horeeyay.

Waxa uu carabka ku dhuftay in khilaafka ay fursad u tahay Al Shabaab oo dib isku abaabula marka ay madaxda qaranka isku mashquulsan yihiin, taasina ay ka baaraan-degtay dowladdiisa inay dhacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM