Faroole oo hogaanka Puntland ku booriyey in uu ka fogaado khilaaf

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud [Faroole] oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ayaa ku tartarsiiyey hogaanka cusub ee Puntland in uu ka fogaado khilaaf dhexdooda ah.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka hadlayey munaasabada furitaanka kal-fadhiga 44aad ee Golaha Wakiilada oo maanta lagu qabtay Garowe ku booriyey xukuumada iyo baarlamaanka in ay si dhow u wada shaqeeyan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hogaamiyaha dowladda Puntland ee shanta sano ee soo aadan loo doortay 8-dii Janaayo ee sanadkan halka gudoonka baarlamaanka la doorta afartii Janaayo 2019.

Fadhigan ay maanta yeesheen mudaneyaasha ayaa waxa uu noqonaya kii ugu horeeyay kadib fasaxii ay galeyn Ramadaanka iyo maalmaha dabaaldega Ciidul Fidriga.

Mudane Faroole, mid kamid ah aas-aasihii dowladda Puntland kuna jira xubnaha dowlada federaalka ku metala maamulkan ayaa rajeeyay in Laanta Fulinta iyo Xeer-dejinta ay ka dhabeyn doonan isbedalka iyo dib u habeynta loo doortay.

"Maanta hadii uu Ilaahey na isku keyn keenay oo aan kamid nahay odeyaashii soo shaqeeyay, wixii lasoo dhisay oo idil qeybta ugu weyn ku lahaa, oo hadda dusha ka ilaanaya oo hay'addihii kale ee federaalka jooga, hadii ay wax ka ba'samaana ka hadli kara, hadii ay wax hagagasan yihiina ka hadli kara ayaanu nahay. Xukuumaduna xisaabtan buu baarlamaanka ku leeyahay hala xisaabtanto, xukuumaduna dadka ha mideyso yeysan kala sukeysiisan. Doorashooyinkii waa laga soo gudbay cidaan kuu coddeyn iyo midka kuu codeeyay hakuu sinaadan, cid dan gaar ah ku wadata haday jirtana halaga qabto dhibaatay keenayeen. Waxyaabahaasi oo dhan waxaan la doonayaan in darsi cusub laga qaato oo aanu khilaafna jirin xukuumada dhexdeeda, baarlamaanka dhexdiisa ama xukuumada iyo baarlamaanka dhexdooda ah, oo sharcigaasi dalka u degan uu kala hago," ayuu yiri Faroole.

Xukuumadii iyo baarlamaankii la doortay sanadkii 2014-kii ayaa waxaa dhowr jeer uu ruuxadooda soo kala dhex-galay is-qabqabsi taasi oo dib u dhac ku keentay waajibaadkii loo ik-maday oo ay kamid ahayd doorasho qof iyo cod ah.

Geesta kale, Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada dowlada Puntland kula dardaarmey in ay bartaan Dastuurka maamulka iyo kan federaalka "si ay dalka ugu hogaamiyaan" dhabe wanaagsan. "Waa talo oday waayo arag ah idin kaga timid," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Isaga oo sii hadlaya ayuu cod dheer odayaasha dhaqanka ugu sheegay in aysan ku dhex-milmin siyaasadda "maadaama qabiil laga soo gudbay isla markaana loo talaabay nidaam dowladeed" oo Axdi umadeed ku dhisan.

Mar uu soo qaadey arrimaha amniga iyo xaaladaha bini'aadanimada gaar ahaan abaaraha ayuu Senator Faroole soo jeediyay in wax laga qabto isla markaana gurmad loo fidiyo dadka dhiban.

- "Macnihii federaalka waa la fahmay" -

Puntland oo la aas-aasey 1-dii Agoosto 1998-dii ayaa waxay hormuud u tahay nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay kaasi oo ay haatan ku dhisan yahay maamul goboleedyadda shanta ah ee haatan jira.

"Puntand, waad og-tihiin, sumcad bey ku leedahay Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka waxay u aqoonsan yihiin hogaankii iyo hooyadii federaalka. Magaca aad leedahay oo rag kasoo shaqeeyay oo waqti la geliyey oo shuruuc loo sameeyay oo nidaam ku sameysay oo hay'addihii dowladigaa ku sameysan yihiin oo aduunka ic-tiraafsan yahay meel kasta oo uu joogo in aan u keeno. Shaarkeena inuu u ekaado muuqaalkeena iyo magaceena," ayuu daba dhigay Faroole, oo ku mar kalena ku boorinaya hogaanka cusub ee dowlada Puntland in uu ka fogaado khilaaf dhexdiisa ah.

Senator-ka ayaa intaasi raaciyey: "Waa tan ay naga shidaal qaadanayaan xukuumadaha kale ee federaalka ee uusan nidaamkoodu si fiican u hirgelin. Waxaan baranay ee hay’addaha dowlada, wasaaradaha iyo garsoorka ayay naga shidaal-qaadanayaan, diyaar bayna u yihiin annaa ka war-haya. Hadey waa jirtay cid lugta jiideysay nidaamka federaalka meelaha qaarkood, maanta ma jirto, waaba nagala horeeyaa, macnaha uu leeyahay waa la fahmay. Burburkii Soomaalida madaxa geliyay, daaraha kaliya ma burburinee, waa laga soo kabanayaa. Wax badan baa soo hagaagaya oo waafaqsan sida maanta nidaamka loo qaatay.

- Khilaafka maamulada iyo dowlada -

Inkasta oo uu is-wariwaagan taagnaa tan iyo sanadkii hore 2018-kii, balse waxa uu sii xumaadey kadib shirkii burburay ee Garowe, taasi oo loo arkayey in ay dharbaaxo ku noqoneyso nidaamka federaalka.

Arrimaha fashiliyey shirkaasi waxaa kamid ah markii madaxda dowlada federaalka ay diideen in ay garowshiyo ka bixiyaan qodobo ay cabasho ka keeneen oo ay kamid tahay sharciyada doorashooyinka iyo Bartoolka.

Balse Senator Faroole oo rajo wanaagsan ka muujiyey in la dhameyn doono arrintani ayaa xusay in saaxiibada caalamka ay soo kala dhex-gashay arrintaan isla markaana Qaraar ay kasoo saareen ay aqbashay xukuumada.

"Wixii [ka dhiman federaalka] ee khilaafka halkaan [Garowe] ka dhacay maamulada iyo [dowladda], koley waad la socotaa, Qaramada Midoobay baa soo galay. Golaha Amaanka qaraar buu kasoo saadhey, dowladuna waa ka jawaabtey waa ay aqbashay, waxaa dhiman fulintii iyo sidii la isugu soo noqon lahaa oo waddanka dariiq mida u wada qaadan lahaa oo loo wadashaqeyn lahaa oo nin kasta xubintiisa u qaadan lahaa," ayuu hoosta ka xariiqay.

Bishii hore ayay ahayd markii Golaha Amaanka Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa qaraar uu soo saarey uu ku tartarsiiyey dowladda in ay xaliso khilaafka kala dhaxeeya maamulada si dalka uga hirgasho doorasho qof iyo cod, amnigana sare loo aado kahor cod-bixintaasi taariikhiga ah.

MUUQAALKA HOOS KA DAAWO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM