Faroole oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Hawdka [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Maxamuud Faroole ayaa ku baaqay in si shuruud la'aan ah lagu joojiyo colaadda sokeeye ee ka taagan Hawdka.

Isagoo ka hadlay Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa Senetor Faroole ka sheegay in dagaalka hadda soo cusboonaaday uu yahay mid laga xumaado, maadaama si micna darro ah lagu daadinayo dhiiga shacabka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Beelo wada deggan Tuulooyinka ku yaalla inta u dhaxaysa gobollada Sool, Nugaal iyo Mudug, sidoo kalena ku dhaw xadka dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

"Waxaan aad uga naxsanahay in Madaxweynaha Puntland isagoo jooga degmada Burtinle oo nabada ka shaqeynaya ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaallo deegaanada," ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeya sidii loo demin lahaa Colaadda ka taagan deegaanada Cagaarre iyo Qoriley ee sababay dhimashada 15 qof iyo bakaraca shacabka oo xoogan.

Odayaasha, Waxgaradka, Culimada, Siyaasiyiinta iyo Isimida ayuu ugu baaqay Faroole inay iska kaashadaan soo afjarida dagaalka, lana fuliyo heshiisyadii nabad ee horey loo gaaray, oo waxa dambana la daqab-qabto.

"Hadii ay noqoto arinta mindi-mindi ku taag, 15 baa la dilay, oo anigaa gacanta dambe yeelanaya, kahor intaasi ayaa la iga dilay, tiraa la iga badan yahay, ana waxaan raadinayaa in intii la iga dilay aan dilo, waxay noqonaysaa colaadda xuduud la'aan iyo wax iska socda," ayuu yiri Senetor Faroole.

Mudane Faroole ayaa sheegay in Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay tahay mida ugu fulin fiican oo ka shaqeyn karta joojinta colaadda, iyadoo la kaashanaysa Odayaasha deegaanka iyo dowladda Puntland.

Wuxuu cod dheer ku baaqay in wixii dhacay xalka loo helo, lagana hortago in dagaal dambe uu dhexmaro Beelaha walaalaha ah ee ku nool deegaanada Qoriley iyo Cagaarre.

Senator Faroole waxa uu dhinac kale uu soo jeediyay in Shir nabadeed oo dambe la isagu yimaado magaalada Garoowe oo ay ka qeybgalayaan Odayaasha beelaha dagaalka uu u dhaxeeya iyo dad dhex-dhexaad ah si mudo gaaban loogu soo afjaro colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM