Gaas “Gabadha Laas-caano ku barooranaysa waxay abuuraysaa Geeri wayn” [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madax kala duwan ee dowladda Puntland ayaa maanta boqolaal kamid ah shacabka Garoowe kula tukaday garoonka cayaaraha ee Mira Awaare halkaas oo ay ka jeediyeen khudbado intooda badan diiradda lagu saaray xiisadda ka taagan gobolka Sool.

Balse furitaankii khudbadaha Maayarka magaalada Garowe Axmed Deeq Ayax, ayaa sheegay in caasimadda ay ka wadaan howlgal ka dhan ah dhalinyaro furata mobeelada, kuwaasoo ay cabasho ka muujiyeen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo si adag uga hadlay xiisadda gobolkaas ayaa beeniyay inuu jiro wada-hadal ay la galayaan maamulka Somaliland, isagoo xusay in qorshaha lagu xoraynayo Sool uu sii socon doono.

Camey ayaa sheegay in Somaliland qorshe ka dhan ah nabad-galyada Puntland ay ka wado meelo kala duwan isagoo xusay inay garab siinayso kooxaha Argagixisada islamarkaana weerar qaawan ka wado gobolka Sool.

“Waxaa naga go’an inay xorayno gobolka Sool, dagaalkana wuu sii soconayaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenku.

“Waxaan rabaa in aan idiin cadeeyo Shacabka Puntland iyo Ciidamadaba in aysan jirin wada hadal aan ka galnay Gobolka Sool Gaal iyo Islaam toona waxaan Cadaynayaa in ay been yihiin fariimaha Soomali diidku ee ah in aan wada hadalnay macquul mahan,” sidaas waxaa khudbadiisa kusii daray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in dhibaatada Somaliland ay ka wado gobolkaas ay dab kusii hurinayso arrimaha taagan.

“Waxaan u sheegayaa Gabadha Reer Sool ee Laas-caano ku barooranaysa waxaan u sheegayaa in ilmadeeda dhulka ku dhacaysa ay Geeri wayn abuurayso oo xidido hor leh goynayso,” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Wuxuu kaloo fariin u diray dad uu sheegay inay horgallo u yihiin qorshaha Somaliland ku joogto deegaanada Puntland, “Horgalayaasha Dhalashana Sheeganayana, dhaqan ahaan waxay yihiin aan garanayno, horta qofka bini-aadamka arsaaqdiisa waa la qoray waana helayaa, laakiin waxay ku kala duwanyihiin qofna inuu meel xun u maro, qofna meel wanaagsan u maro, laakiin waxaan leeyahay wixiii la idiin qoray waad helaysaan, hadaa diidaan waxaad ka helaysaan ayaan ogaan doonaa inshaa allaah inaad Adduunyada ceeb ku noolaataan Aakhirana aad cadaab gashaan ayaan idiin rajaynayaa.”

Ugu dambayn Madaxweyne Gaas ayaa shacabka, ciidamada qalabka sida u diray dhambaal hambalyo isagoo u rajeeyay in sannadkan kiisa kale ay ku gaaraan hormar iyo amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM