Gaas oo booqdey xarumo xilli uusan weli u tagin ciidamada difaaca Tukaraq

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta booqasho ku tagay qaar kamid ah xarumaha shacabka loogu adeego gaar ahaan kuwo ay ka qaataan Baasaboorka Soomaaliga ah, taasoo muddooyinkii dambe ay aad uga qaadanayeen dhalinyaro Askar ahaan ay u qoranayso dowladda Qadar.

Xarumaha Gaas tagay booqashada, ayaa kala ahaa; Dowladda hoose oo ah halka ay ka qaataan waraaqaha aqoonsiga, xarunta CID-da iyo Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Goobahan ayaa muddo ka badan 2 bilood waxay ahaayeen kuwo mashquulkoodu badan yahay, waxaana maalintii loogu shaqayn jiray Dowladda hoose dad ka badan 150 qof oo kamid ah dhalinyaro intooda badan ka timid gobollada Somaliland.

Markii uu booqashada ku jiray Gaas waxa uu la kulmay qaar kamid ah maamulka dowladda hoose iyo saraakiisha laamahaas iyagoo wada-qaatay kulan is-xog waraysi ah.

Lama oga inay kawada hadleen arrinta dhalinyarada la siinayo Baasaboorka Soomaaliga, maadama socdaalka uu ku tagay ahaa mid aan horay loo sii shaacin.

Bogga Facebook-ga ay ku leedahay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu soo qorey in Madaxweyne Gaas halkaas kula kulmay dad raba in dalka dibadiisa caafimaad u aadayaan kuwasoo raadinaya Basaboor. Dadkaan oo ka yimid intooda badan maamulka Somaliland ayuu howlwadeenada u sheegey in loo sahlo baahidooda.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa booqday xarunta Qunsuliyadda dowladda Ethiopia ku leedahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay madaxa xafiiskaas Esmalash iyagoo wada-qaatey kulan gaar ah.

Lama oga waxay ay kawada hadleen iyo booqashadiisu waxay salka ku haysay, maadama mudadii uu xafiiska joogay uusan marnaba tagin halkaas.

Boqashooyinka Gaas uu ku tagay xarumahan ayaa yimid xilli uusan weli u tagin ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Jiida hore kuwaasoo tan iyo horaantii Janaayo ku sugnaa deegaanka Tukaraq kadib qabsashadii maamulka Somaliland.

Ciidamadaan oo ka kala yimid saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolada Barri, Sanaag, Nugaal iyo Mudug ayaa marnaba helin in madaxda ugu sareysa Puntland ogaato xaalada ay ku sugan yihiin marka laga reebo warbixinada ay kaga dhageystaan madaxda ciidamadaas xafiiska Madaxtooyada ee Garoowe.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli mudadii ay ciidamadaan qabsadeen Tukaraq booqashooyin kala duwan deegaankaas ku tageen madaxda Somaliland  oo ugu horeeyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas ee Cabdiraxmaan Saylici.

Lama garan karo sababta ay u booqan waayeen madaxda sare jiida hore iyadoo arinkaan imaanayo xilli Madaxweyne Gaas oo muddo sanad ka yar Xafiiska uga hartey lagu dhaliilayo sida uu u maamuley weerarka Tukaraq lagu qabaadey. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM