Gaas oo dalbadey in kalfadhiga Barlamanka Puntland la hakiyo bisha Ramadan

Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo furey 15 June, 2016 kalfadhigii 37aad ee Barlamanka Puntland ayaa wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayaan in gudoonka aqalka wakiillada ka codsadey in xildhibaanada fasax galaan bisha Ramadan.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee aqalka islamarkaana ah ku-simaha gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa u sheegey Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iney sharciyan arinkaan awoodin balse u soo bandhigi doonaan Xildhibanaada in bisha Ramadan la hakiyo kalfadhiga. Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Axmad Cali Xaashi ayaa safar caafimaad ugu maqan dalka Hindiya. 

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo kulan la qaatey Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Barlamanka Puntland Cabdixamid Sheekh Cabdisalaan maalmo ka hor inta uusan furmin aqalka wakiillada u muujiyey welwelka uu ka qabo in xildhibanada bilaabaan iney keenaan mooshino ka dhan ah xukuumadiisa kuwasoo ay kaga doodayaan xaaladaha dalka uu ku jiro.

Barlamanka Puntland oo kulmaya Sabtida ayaa wararka sheegayaan in gudoonka u soo bandhigi doono iney fasax galaan iyadoo wararka sheegayaan in xildhibaanada qaarkood diidan yihiin fasaxa Ramadanka. 

Xildhibanaada Barlamanka oo aan looga baran 18 sano ay jirtey Puntland iney xisaabtan dhab la galaan xukuumadahii isaga dambeeyey dalka ayaa wararku sheegayaan in culeys ka haysto shacabka madaama dalka xiligaan ay ka jiraan dhibaatooyin dhab ah kuwasoo aan Indhaha laga qarsan karin.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in xildhibaano ka tirsan Barlmanka Puntland kalfadhiga 37aad ka hor kormeer ku soo sameeyeen gobolada Puntland iyaga halkaas kala soo kulmay warbixino sheegaya in hay'adaha dowlada noqdeen kuwo fadhiid ah.

Xogtaan ayaa sheegeysa in xukuumada Puntland oo kaashaneysa gudoonka Barlamanka ka shaqeynayso in aan warbixintaan loo-soo bandhigin Aqalka wakiillada.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo hadal ka jeediyey kalfadhiga 37aad ee Barlamanka Puntland ayaa dadka la socda siyaasada gobolka aaminsan yihiin inuusan si dhab ah uga hadlin dhibaatooyinka ka jira Puntland sida dhaqaalaha, amniga, dib u dhaca ku yimid mashaariicda qaarkood sida dekada Bossaso, arimaha Federaalka oo qaabka loo maamuley saluug badan ku jiro madama ay keentey in hoos u dhac weyn ku yimaado maqaamkii siyaasdeed ee mandiqada ku laheyd Somaliya.

Dhinaca kale welwelka siyaasdeed ee Madaxweyne Gaas qabo ayaa wararka sheegayaan iney tahay inuu ka cabsi qabo in kalfadhigaan ku beegmo xilli qabaa'ilka Puntland bilaabeen iney raadiyaan sidii xubnaha aqalka sare ee Barlamanka Somaliya uga heli lahaayeen qaybtooda arinkaas oo laga cabsi qabo iney saameyn ku yeelato xildhibanada Barlamanka Puntland oo meesha ku fadhiya nidaam beeleed.

Madaxweyne Gaas iyo xukuumadiisa ayaa hab_qaybsiga xildhibaanada Aqalka sare ee Barlamanka Somaliya aan weli soo bandhigin shaxda qaybsiga iyadoo fikirka shacabka u kala qaybsan nidaamka gobolada Puntland halka dad kale qabaan in nidaam beeleed.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM