Garsoorayaal Dacwad ka gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda Puntland [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Garsoorayaasha Maxkamadda gobolka Nugal ayaa dacwad ka dhan ah wasaaradda Maaliyadda Puntland u gudbiyay golaha wakiiladda Puntland, sida uu goordhaweyd warsidaha Garowe Online u sheegay Garsoore katirsan Maxkmadda Racfaanka gobolkan Axmed Cali Axmed.

Warqadda 05tii bishan la qoray ayaa Garsoorku kaga cabanaayaan mas'uuliyiinta wasaaradda oo ay sheegeen inay haystaan xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda islamarkaana ay hakad gashay shaqadii xafiiska markii la waayay agabkii lagu shaqayn lahaa.

Qoraalkan oo dacwad ahaa ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhammaan xubnaha Garsoorka gobolka Nugal ay ku jiraan xaaladii ugu xumayd kadib markii loo qabsaday kirooyinkii guryaha, laga jartay korontadii, waxbarashadana laga soo cayriyay ubadkoodii, taasna ay ugu wacantahay xaqii ay ku lahaayeen dowladda.

Dacwadda oo ogaysiin la siiyay Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale codsaday in cadaaladda la horkeeno Madaxda wasaaradda si loooga siiyo xaqa ku maqan.

Waxay ka digeen in la iska dhaga tiro codsigooda  iyagoo sheegay in hadii dalabkooda la fulin waayo ay si iskeed ah u istaagi doonto shaqada xafiiska oo hadda meesh ii ugu xumayd maraysa.

In kabadan 10 xubnood oo isugu jira Garsoorayaa iyo Kaaliyaal ayaa sheegay in dhowr jeer ay ka dacwoodeen madaxda wasaaradda balse laga jawaabi waayay.

Sannadkan dhexdiisa ayay ahayd markii mushahar la'aan ay isu xirta maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Nugal taasoo asbuuc kadib dib loo furay markii warbaahintu tabisay xirnaanshaha xaruntaas.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Gaas waxaa kor u kacday cabashada shaqaalaha dowladda iyo xafiisyada si iskood ah isu xiraya, xilli ay jirto musuqmaasuq baahsan oo lagu eedaynayo madaxda dowladda iyo hay'adaha dowliga ah oo ay ku jirto wasaaradda maaliyadd Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM