General Muxiyadiin "xuquuq la'aan ayaan ka gadoodney"

Image

June 25, 2015 (GO)- Taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa markii ugu horreysey ka hadlay sababta ku kalliftay isaga iyo ciidamada uu hoggaaminayo in ay gadoodaan.

Muxiyadiin oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC, ayaa xusay in sababta koowaad ee keentay gadoodku ay tahay kadib markii ciidamada uu hoggaamiyo muddo sannad ka badan wax xuquuq ah la siin.

"Sababta aan u gadoodney waxa weeye xuquuq la'aan...ciidamada Puntland oo dhan baa gadoodsan, ciidamadu muddo sannad iyo dhowr bilood ah wax xuquuq ah, wax mushahar ah, wax gunno ah  iyo wax raashin ah ma helin" ayuu yiri.

Sababta uu xal kale oon gadoodka ahayn u raadin waayey ayaa la weydiiyey, wuxuuna sheegay in uu is-ku-day badan sameeyey lana kulmay madaxda sare ee dowladda, balse uu waayey cid dalabkiisa jawaab ka bixisa.


"Xaaskeyga waa la jir-diley!"

Gen. Muxiyadiin ayaa dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada dowladdu si sharci darro ah iyagoo xoog adeegsanaya ku galaan gurigiisa magaalada Garowe. Sidoo kale wuxuu sheegay in qayb kamid ah gurigiisa la dumiyey islamarkaana la jir-diley xaaskiisa.

"hadda markii aan magaalada ka baxnay waxaa dhacday in guryihii dib loogu noqday oo xasaaskii dhashiike lala dhacay, biilkii laga qaatay lana jir diray" ayuu yiri.

Mar la weydiiyey su'aal ahayd yaad ku eedeynaysaa falka gurigaaga lagu galay? Wuxuu ku jawaabay in ciidamada gurigiisa soo weeraray uu soo amray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Xiriir miyaa ka dhexeeya xil-ka-qaadista iyo gadoodka?

Taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska Puntland wuxuu beeniyey in wax xiriir ahi ka dhexeeyo xil-ka-qaadistii lagu sameeyey iyo weliba gadoodka, isagoo xusay in xilka dhowr bilood kahor laga xayuubiyey wax dhib ahna uusan u arkin.

Isagoo taas sharraxaya waxaa hadalladiisii kamid ahaa "Xilka aniga shan bilood kahor baa layga qaaday kamana hadlin mana ku doodayo...xil ka qaadista iyo gadoodku iskuma xirna...taasi wax jira maaha marmarsiinyo ayaa laga dhiganayaa"

Marar badan wuxuu ku celceliyey in arrinta uu ka carooday tahay xuquuq la'aanta cidamada iyo weliba in Madaxweynuhu amar ku bixiyey in hal mar la ruqseeyo guuto dhan oo boqollaal askri ka koobnayd loona diido inay xuquuqdooda helaan.

Jeneraalka ayaa carrabka ku adkeeyey in uusan rabin colaad iyo fawdo ka dhacda Puntland isalamarkaana ciidamadiisa uu amar ku siiyey in aysan ku dhaqaaqin wax nabadgelyada khal khal gelin kara.

"waxa aan ka carareynaba waxa weeye in dhibaato amni dhacdo...waa xakameeyey anigu ilaa shan bilood, in ciidankaasi fowdo sameeyaan waa ka hor tegey" ayuu yiri.

Waxagaradka, aqoonyahanka iyo siyaasiyiina Puntland ayuu baaq u diray, isagoo sheegay in iyaga looga fadhiyo xallinta iyo ka go'aan gaarista xiisadda hadda taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM