​Guddi loo magacaabay Casriyaynta garoonka diyaaradaha Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan looga hadlayay sidii loo casriyayn lahaa garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland ee Garowe, ayaa maanta lagu qabtay xarunta hay'adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC.

Shirkan ayaa ahaa mid lagu sii amba qaadayay qorshe ka baxsan deeqda lagu dhisayo Madaarka ee ay bixisay dowladda Kuwait, waxaana mas'uuliyiin katirsan dowladda, waxgarad, siyaasiyiinta iyo ganacsato hindiseen in laga dhigo mid caalami ah oo habeen iyo maalinba shaqeeya.

Si taas loo helo, waxaa Injineerada dhisaya Garoonka Garowe, soo bandhigeen warbixin ka hadlaysay qalabka loo baahanyahay iyo kharashka ku baxaya, waxaaana sida ka muuqata sawirka hoose,  iyadoo calaamadda Jaallaha la saaray, waxyaabaha deg dega ah ee dalka dibadiisa loogu baahanyahay.

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland, Xasan Xaaji Saciid, ayaa warbixin ka siiyay kasoo qayb galayaashii kulanka doorka dowladda ee dhismaha Garoonka, wuxuuna sheegay inay mar kasta kharash ku bixiyaan sidii mashruucan u hirgali lahaa.

Duqa degmada Garowe, Xasan Maxamed Ciise (Goodir), ayaa isna sheegay inay ka go'antahay sidii madaarka looga dhigi lahaa mid caalami ah isagoo xusay in wixii kharash ah ee loo baahyahay bulshada Garowe si deg deg ah u bixiyaan.

Ganacsatadii joogtay shirka ayaa dhankooda tilmaameen inay bixin doonaan wixii kharash ah ee looga baahdo.

Madaxweynihii hore Puntland ahna Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Somalia , Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ganacsatada iyo dadka hantida haysta ugu baaqay inay ka qayb qaataan mashruucan.

Farole, ayaa xusay in dadku maanta ka hanti badanyihiin waqtigii hore, wuxuuna fikirkan uga mahad-celiyay  Maxamud Axmed Naaleeye, oo uu sheegay inuu xasuusiyay waqti uu booqasho ku tagay madaarka.

Wuxuu intaas ku daray in howshan fududahay in hadda la qabto, maadaama hadhow ay noqon doonto mid culus oo kharash badan ku baxo.

Dhanka kale, waxaa shirkii maanta lagu magacaabay Guddi ka kooban dowladda iyo ganacsatada, kuwaasoo ka shaqayn doonaan sidii barnaamijkan looga miro dhalin lahaa.

Wajiga Koowaad ee Garoonka ayaa hadda gabo-gabo ku dhow, waxaana la filayaa inuu noqdo mid caalami ah hadii lagu xiro Ilays taasoo sahli doonta  in habeen iyo maalin si isku mid ah u isticmaalo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM