Guddoomiye ku-xigeenkii Gaalkacyo oo shaaciyey inuu is casiley

Image

May 3, 2015 (GO)- Ku-xigeenkii duqa degmada Gaalkacayo Yacquub Maxamed Cabdallah ayaa saaka shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Yacquub ayaa sababta uu isu casiley ku sheegay inuu ku fashilmey fulinta ballan qaadyadii uu sameeyey markii la dhisey golaha deegaanka ee Galkacayo, sidaas darteedna uu go'aan ku gaarey inuu xilkan iska casilo.

Xiriir dhanka telefoonka ah oo Radio Garowe la sameysey ayuu ku xaqiijiyey is-casilaaddiisa, wuxuuse ka gaabsadey inuu faah faahin dheeri bixiyo.

Qoraal uu kusoo daabacay bogga uu ku leeyahay Facebook ayuu ku yiri sidan:

Dhowaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xilka ka qaadey guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey una soo magacaabey xilkaas Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM