Guddoomiye ku-xigeenkii Gaalkacyo oo shaaciyey inuu is casiley

Image

May 3, 2015 (GO)- Ku-xigeenkii duqa degmada Gaalkacayo Yacquub Maxamed Cabdallah ayaa saaka shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Yacquub ayaa sababta uu isu casiley ku sheegay inuu ku fashilmey fulinta ballan qaadyadii uu sameeyey markii la dhisey golaha deegaanka ee Galkacayo, sidaas darteedna uu go'aan ku gaarey inuu xilkan iska casilo.

Xiriir dhanka telefoonka ah oo Radio Garowe la sameysey ayuu ku xaqiijiyey is-casilaaddiisa, wuxuuse ka gaabsadey inuu faah faahin dheeri bixiyo.

Qoraal uu kusoo daabacay bogga uu ku leeyahay Facebook ayuu ku yiri sidan:

Dhowaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xilka ka qaadey guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey una soo magacaabey xilkaas Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM