Maamulka Gaas oo amrey in dowlada Jarmalka joojiso mashruuc kale ay wadey [ AKHRI]

Image

GAROWE - Qoraal kasoo baxay hay’adda PSAWEN oo hadda la magac baxdey hay’adda, Tamarta, biyaha ee khayraadka Dabiiciga ee dowlada Puntland ayaa waxay dalbanaysaa in GIZ “hay’ad hurumarinta Jarmalka” joojiso Mashruuc 5 biyo xireen lagaga sameynayo inta u dhexeysa tuulada Jalam iyo degmada Xarfo kaas oo hirgalineyso Wasaarada degaanka Puntland.

“PSAWEN waxay ogeysiineysaa GIZ Xeerka biyaha Puntland kaas oo golaha xukuumada ansaxiyeen 16 August,2018 hadana sugaya in Barlamanka siiyo ansaxintii ugu dambeysay, in hay’adda PSAWEN u haysato sharciyad ku hurumariso, ku xakunto kuna hirgaliso mashruuc kasta oo khuseeya hurumarinta biyo xireenada iyo kuwa dhulka hoostiisa ku jira.” ayaa waxaa lagu sheegey qoraal madaxa hay’adaan u direy GIZ.

Qoraalkaan ayaa waxaa ku qoran in PSAWEN ogtahay heshiiska dhowaan kala saxiixdeen Wasaradaa degaanka Puntland iyo GIZ kaasoo khuseeya hurumarinta biyo xireenada. PSAWEN waxay si adag qoraalkaas ugu amreysaa  hay'adda GIZ iney joojiso kala shaqeynta mashruucaan Wasaarda degaanka Puntland madaama aysan sharciyad u haysan.

” Heshiis walba oo dhexmara Wasaarada degaanka Puntland iyo GIZ  kaasoo khuseeya hurumarinta biyaha dhulka korkiisa Mara iyo kuwo dhulka hoostiisa ku jira waa sharci daro.” Sidaas waxaa yiri madaxa PSAWEN oo qoraal digniin ah u direy GIZ.

Ugu dambeyntii qoraalkaan ayaa lagu xusey in PSAWEN awood sharci iyo mid Farsamo u leedahay hirgalinta mashaariicdaan si arintaas loo hubiyana waraaqda loo direy GIZ ayaa lagu xusey taleefanka gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

Qoraalka PSAWEN ayaa imaanya xilli dhiwaan Dowlada Jarmalka soo saartey warbixin ay ku joojineysay dayactirkii wadada u dhexeysay tuulada Jalam iyo degmada Xarfo kadib markii hay’adda wadooyinka "PHA" iyo Madaxtooyada Puntland laga waayey daahfurnaan iyo hirgalin la’aan shuruucda la xiriirta hirgalinta qabdaraaskii lagu bixiyey dhismaha 80km.

Mashruuca khuseeya biyo xireenada oo horey u barbar-socdey kan dayactirka wadooyinka ayaa waxaa uu ka kooban yahay; dhismaha 5 warood ee laga hirgalinayo deganada u dhexeeya Jalam iyo xarfo;Wacyi galin loo sameynayo dadka arimaha la xiriira ilaalilnta degaanka iyo in dib loo hagaajiyo dhulka bay'adda ah ee waxyeeladu soo gaartey xiliga la dhisayo wadada.

Dalka Jarmalka ayaa Puntland ka hirgalinaya mashaariic lagu qiyaasey 20 milyan oo dollar kuwasoo ay ugu muhiimsan yihiin; Isbitaalka magaalo madaxda Garowe oo gabi ahaanba la bur-burinayo iyadoo kan hadda jira laga dhigayo meelo dadweynaha baabuurta dhigto lagana dhisayo dhismo Sadex dabaq ah; Isbitaalo laga dhisayo Bacaadweyn iyo Buurtinle; Dugsiyo farsamo kuwasoo laga hirgalinayo gobolka Nugaal iyo Mudug.

Talaabada PSAWEYN ayaa imaanaysa maalmo kadib markii dowlada Puntland qoraal kasoo baxay ay hoos u dhigtey saameynta Jarmalka ku leeyahay mashtuucii lagu dayac-tirayey wadada isku xirta Garowe/ Galkacayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM