Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaala madaxda Garowe.

Axmed Cilmi Cismaan, madaxweyne ku xigeenka iyo mas'uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ayaa goobjoog ka ahaa soo dhaweynta Deni.

Deni oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha wuxuu sheegay in uu u mahadcelinayo dhamaan dhinacyadda kala duwan ee qaabilay.

Intii uu hadaljeedinta wadday, Deni ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay door fiican ka qaadanayaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Waddanka Kenya ayuu kasoo kicitamay halkaasoo uu booqasho shaqo ugu socdaalay kadib wadahadalka arrimaha doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM