​Mas’uuliyiin iyo Wariyaal ka tacsiyeeyay Geerida Axmed Kismaayo [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Rabbi naxariistii Jano ha ka waraabiyee waxaa waddanka Hindiya ku geeriyooday Marxuum Axmed Maxamed Cali Kismayo oo kamid ahaa bahda Warbaahinta Somaliyeed gaar ahaan shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee muddo kusoo jiray mihnadda.

Marxuumka oo saaka Geeriyooday ayaa aad u tabaatay shacabka reer Puntland gaar ahaan intii ay isu shaqada ahaayeen.

Kulan maanta isugu yimaadeen wariyaal, Dallada ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, waxay tacsi tiiraanyo leh ugu direen shacabkii uu ka baxay Axmed Kismayo iyagoo xusay inuu ahaan xubin muhiim ah oo la tabi doono islamarkaana dhaxal uga tagay dadkiisa iyo dalkiisa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), ayaa tacsi u diray Labada Marxuum ee kala ah Axmed Kismayo iyo Dr Maxamed Jaamac.

Shuuqe ayaa ALLE uga baryay inuu labadaas marxuum uu ka waraabiyo naxariistiisa waasaca ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sidoo kale tacsi loogu diray shacabka Puntland iyo qoyskii uu ka baxay Axmed Kismaayo iyadoo lagu xusay inuu shaqo fiican usoo qabtay bulshadiisa.

Taariikhda Nololeedka Wariye Axmed Kismayo;

Axmed Maxamed Cali oo loo garan ogyahay (Axmed kismaayo) waxaa uu ku dhashay magaalada Kismaayo dabayaaqadii Sannadkii 1964, wuxuuse waxbarashadiisa dugsiga Hoose/dhexe iyo sare ku dhammaystay magaalada Muqdisho ee caasumadda dalka Somallia.

Markii uu dhammaystay dugsiga sare sannad-dugsigeedkii1984/85, waxa uu soo maray labo sanno oo shaqada qaranka ah(National service). Waxaa uu shaqadii ugu horeysay ka billaabay idaacada muqdisho sanadkii 1987, halkaas oo uu ka shaqaynanay ilaa iyo burburkii xukuumaddii Siyaad Bare.

Axmed waxaa uu ka mid ahaa boqolaal qof oo u qaxay magaalada Kismaayo, ka dibna markab ayuu u raacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo uu halkaas ku noolaa muddo afar sanno ku dhow.

Dabayaaqadii 1994 ayuu Axmed ku soo laabtay dalka Somalia  gaar ahaan magaalada Garowe oo uu ku noolaa wixii xilligaas ka dambeeyey. Diseember 1994 ilaa 2001, Axmed-Kismaayo waxaa uu ahaa tifatiraha wargeyska Riyaaq oo ka soo bixi jirey Puntland, kaasoo ahaa wargeys caan ka noqday Puntland iyo meelo ka baxsan.

Axmed waxaa uu wargeyska ku lahaa maqaalo taxane ah kuwaasoo iminka laga xusi karo, “Danaha shisheeye iyo damiir la’aanta Soomaalida, Ilo-Garo Bidcada”. Sidoo kale Axmed waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii wargeysa Riyaaq, oo ay ka mid ahaayeen, Muddane Saciid Xuseen Ciid, Cabdiraxmaan Shiikhdoon, Maxamed Maxamuud (Gambool), Saciid Wayeel (Alaha u naxariisto) iyo rag kale.

Axmed waxaa u ahaa suxufigii ugu horeeyey ee lagu xiro magaalada Garowe intii la dhisay xukuumada Puntlad. Waxay ahady 31 bishii 7-aad 1999, maalin ka hor dabaal-degii ugu horeeyey ee loo dabaal dego dhismihii Puntland. Waxay ahady subax Sabti ah abaarihii 9-kii, aniga iyo Axmed ayaa ku hawlanayn inaan soo saaro cadad gaar oo xooga saaraya dhismihii xukuumada Puntland iyo wax qabadkeedii, si loo akhristo maalinta dabaal-dega ee 1-da Agoost, nasiib daro taliyihii saldhiga booliska ee Garowe ayaa Axmed ku wargeliey in saldhiga laga rabo, sidaas ayaana lagu xiray, in kastoo ay maxkamada degmada Garoowe siideysay maalmo ka dib.

1995-1997, Axmed waxaa uu macalin ka ahaa dugsiga dhexe ee Al-waxah, oo ka mid ah dugsiyada ugu waaweyn Puntland. Waxaa kale oo uu Axmed masaajidyada ku akhrin jiray kutubta diiniga ah qaarkood, maadaama uu Axmed ka mid ahaa, dadkii wax ku bartay baraaruga dacwada.

Muddo 12 sanno ayuu Axmed ahaa weriyaha idaacada BBC-da ee deegaanada Puntland(2002-2013). May 2013, ayaa Axmed Kismaayo loo magacaabay agaasimaha TV-ga iyo Idaacada Puntland oo ahaa xilligaas ahaa agaasin madax bannan. Agoosto 4-tii, 2014 ayaa Axmed Kismaayo xillkaas laga qaaday.

25-kii Abriil 2016 ayaa Axmed Kismaayo loo doortay guddoomiya guddiga doorashooyinka madaxa bannan ee Puntland, hase yeeshee waxaa uu xilkaas iska casilay Nofeember 2016, arrimo la xiriiray caafimaadkiisa darteed.

Axmed waxaa u ahaa qoraa hiwaayadiisu tahay qoraalka iyo akhriska. Sidoo kale waxaa uu ahaa dadka aadka u xasuustaa(xifdiya) dhacdooyinka soo mara ama uu maqlo, taasoo u sahay inuu hayo taariikh badan oo uu ku dhaxalay sheeko iyo shaahid. Waxaa uu qoray labo buug oo kala ah: “Hoygii Badbaada(2011) iyo Layliga Suxufiga(2017)”. Sidoo kale, waxa uu tifo tiray buug qiimo badan oo ka hadlaya taariikhdii hore ee Soomaalida oo uu qorey Siciid Shiidaad. Qoraal kooban oo uu Axmed Kismaayo ku bidhaaminayo buugaas waxaa uu yiri:”

“Buugani wuxuu si qoto dheer u lafa-gurayaa sooyaalka soohdinta dulka Soomaalida oo aad uga duwan inta aynu maanta naqaan, Soomaalidii hore ee taariikh ka hor iyo tii dhexe, dhamaan qabaa'ilka Soomaaliyeed ee ku sugnaa gudaha xuduudda dhulka Soomaalida iyo kuwa kale ee ku lulmay dhulka la lumiyay muddada dheer ka hor”

10-Kii Agoosto 2017, ayuu Axmed ku geeriyooday hoteel ku yaala magaalada Haydarabad ee dalka Hindiya oo uu muddo labo todobaad ah u joogay in qaliin looga sameeyo cunaha oo uu kaga dhacay cudurka kansarka. Waxaa uu ka tegay 8 gabdhood, 7 wiil iyo labo Xaas.

Allaha u naxariisto Axmed Kismayo, Taariikhdan waxa qoray Abdirahman Ali

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM