​Munaasabadda Ciida Garowe oo looga hadlay Lacagta Sh. Somaliga [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad Ciidul Adxa oo boqolaal kamid ah dadka reer Garowe ay isugu yimaadeen Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare.

Xafladda oo ay joogeen mas’uuliyiin kasocota hay’adda dowladda, Isimo iyo Culimaa’uddiin, ayaa diiradda lagu saaaray Lacagta Sh. Somaliga ah oo dhibaato weyn ku haysa shacabka kadib markii ay diideen dowladda iyo ganacsatadu.

Sheekh Maxamud Xaaji Yuusuf oo kamid ah Culimada Puntland ayaa dowladda, ganacsatada iyo shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa jaahwareerka ka jira suuqyada Puntland oo sababay inaan guryo badan dab laga shidan dhibaatada lacagta awgeed.

Islaam Ciise Islaam Maxamed oo goobta uga duceeyay umadda Somaliyeed, ayaa fariin u diray dowladda iyo shacabka isagoo ugu baaqay in dhibaatada waddanka ka jirta qof kasta kasoo baxo mas'uuliyadda kaga aadan.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, oo hambalyada ciida u diray guud ahaan Shacabka Somaliyeed gaar ahaan Puntland, ayaa ka hadlay eedaymaha la xariira Lacagta Sh. Somaliga. Wuxuu sheegay in dowladdu aysan diidin Sh. Somaliga, balse ay jirto dad cadow ku ah umadda Somaliyeed oo ka shaqaynaya sidii la isaga horkeeni lahaa bulshada iyo xukuumadda.

Camay oo khudbad dheer jeediyay ayaa tilmaamay in xukuumadda Puntland, dedaal dheeraad ah ku bixin doonto sidii loo xallin lahaa mashaakilkan, isagoo ku baaqay in laga hortago dadka mas’uulka ka ah arrintan.

Ururka Al Shabaab ayuu ku eedeeyay inay ka dambayso diidmada iyo kala sooca Lacagta Somaliga, maadama sida uu sheegay ay jiraan goobo badan oo kamid ah dalka kuwaas oo maamul ahaan hoos taga xarakadaas.

Maamullada kale ee dalka ayuu sheegay inay ka hirgaleen amarka Al Shabaab marka laga yimaado Puntland, taasna u muuqato in Al Shabaab wax ka xukunto sida uu hadalka u digay Camey. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray in lacago kale lagasoo raray dalka qaybihiisa kale ee waddanka kadib markii amar lagu bixiyay in la qaato guud ahaan lacagta Sh. Somaliga.

Ganacsatada Puntland qaybteed ayuu dhaliilay mudane Camey isagoo ku eedeeyay inay u bahalo galinayaan haweenka lacagta oo ay leeyihiin mudaharaada si ay u fushadaan danahooda siyaasadeed.

Dowladda kaliya ayuu carrabka ku dhuftay inaysan awood u lahayn hirgalinta arrintan hadii aysan taageero ka helin shacabka qaybihiisa kala duwan. Isagoo sii waramaya, wuxuu tilmaamay in maalmaha soo socda ay soo bixi doonaan awaamiir ku aadan sidii mashaakilkan wax looga qaban lahaa.

Khubada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhammaanteed diiradda saartay Lacagta ayuu ku sheegay in xabsiyada iyo  Bangiga ay soo buux dhaafisay lacag lagasoo waariday waddanka qaybihiisa kale.

Fariin hanjabadaas ku jirto ayuu u diray, wasaaradda Waxbarashada Puntland,  shirkadaha gaarka loo leeyahay sida kuwa Biyaha, Korontada iyo Taleefonada taasoo ku aadanayd inay qaataan lacagta dalka hadii kale albaabada loo laabi doono.

Dhinaca kale Camey, ayaa dowladda Somalia ka codsaday inay soo faragaliso dhibaatada ka taagan waddanka.

Dhibaatada ay keentay jaahwaareerka Lacagta ayaa laga dareemay suuqyada Puntland kuwaasoo maalmaha ciidka camirnaan jiray, waxaana muuqata badi shacabku inaysan saaka si wanaagsan u ciidin duruufo dhaqaale awgeed.

Ganacsatada ayaa diidaya lacagtii hore ee Sh. Somaliga, halka la qaadanayo lacagtii ay daabacday xukuumadda Madaxweyne Gaas, taasoo mas’uul ka ahayd Sicir bararka ka jira Puntland. 

Halkan ka Daawo Muuqaalka Khudbadihii laga jeediyay Xafladda Ciidul Adxa ee magaalada Garowe

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM