Muran ka dhashay Dhisme laga dhagax dhigay Garoonka Kubadda Cagta Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradda ciyaaraha iyo arrimaha dhalinyaradda Puntland, ayaa hakisay mashruuc dhisame oo lagu eedeeyay inay siisay shirkad gaar ah oo ka socday garoonka kubadda cagta ee Mira Awaare, kaasi oo ah dhul dan-guud ah.

Cabdiraxmaan Macalin Ibraahin [Bandiiriye], oo ah Xildhibaan ka tirsan Gollaha degaanka degmada Garowe, ayaa shaaciyay inay gabi ahaanba kasoo horjeedaan talaabadda shirkada lagu siiyay qalcadda.

Garoonka oo ka kooban labo qeybood oo kala ah dhinac lagu ciyaaro Kubada cagta iyo dhinaca kubadda gacanta lagu dheelo ayaa qayb kamid ah la bixiyay, gaar ahaa dhanka xigta maktabada magaalada Garowe.

“Waa arrin xad-gudub ku ah degmadda Garowe iyo Gobolka,” ayuu Xilldhibaan Bandiiriye yiri, isaga oo ku tilmaamay talaabada dhulka lagu bixiyay mid aanan waafaqsaneen gabi ahaanba sifo sharci ah.

Duqa magaalada Garowe ayuu mudana daboolka ka qaaday in qudhiisa aanu ku raac-saneen Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaaday amarka uu ku bixiyay xili uu tibaaxay inaanu awood u lahayn dowladdu inay bixiso dhul ku yaala Garowe.

“[Dhulka] waa arrin qusaysa degmada, [iyadda] oo kaliya ayaana bixin karta…Inaga [Xildhibaanadda] hadii aan nahay shirarkeenii ugu dambeeyay waxaan isku raacnay inay sharci-daro tahay,” ayuu dabadhigay.

Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa cod dheer wuxuu kaga digay inay socoto olalaha ka dhanka ah dhulalka danta guud oo maalmihii udambeeyay caasimada Puntland si xowli ah uga socday.

“Waa arrin aanan gor-gortan ka geli karin, hadii ay sii socoto tani waxaa halis galaya dhulalkii danta guud oo la lahaa ila ilaaliyo, oo hadda si wayn loo dhisanayo,” ayuu ku daray Xilldhibaanka.

Arrimahaan oo dhan ayaa waxay kusoo aadayaa xili Puntland ay haatan ku jirto xaalad kala guur ah, islamarkaana ay galeyo doorasho la filayo inay qabsoonto 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2019-ka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa lagu shaaciyay in la hakiyay howshii dhismaha "Youth Centre" ee ka socday garoonka Kubadda cagta ee Mira Awaare.

Go'aankan hakinta ayaa ka dambeeyay kadib cabashooyin ka yimid Gollaha degaanka Garowe, bahda Sports-ka iyo bulshada.

WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM