Musuq-maasuq lagu sameeyay xulka kubadda Cagta Puntland

Image

GAROOWE, Puntland- Naadiga sannadkan  ku matalaya magaca Puntland koobka maamullada dalka iyo gobolka Banaadir ee ka socda Muqdisho, ayaa cayaartoodii ugu horaysay ee dhacdey Talaadadii [12 December, 2017] waxay soo bandhigeen hab-cayaareed aad u hooseeya oo ka duwan sannadkii hore kaasoo u saamaxay inay noqdaan horyaalka Soomaaliya.

Cayaartaas ayaa ahayd tijaabo kooxdaan  maraysay oo lagu kala ogaanayay iney difaacan karaan horyaalka maamulada kasoo ay qaadeen sanadkii hore.

Kulankaas ayaa kusoo dhammaaday Bar-baro kadib markii xulka Puntland difaacan waayeen Labo gool oo ay dhaliyeen qaybtii hore ee cayaarta madaama ay nasiib u yeelan waayeen inay maamulaan kubadda sidii horey looga bartay, waxaana ka muuqatay  habacsanaan dhinaca dhexda iyo difaaca ah.

Dadka reer Puntland oo aad ugu faanayay inay sannadkan mar kale hanan doonaan koobka ayaa rajo xumo ka muujiyay inay noqdaan horyaalka Soomaaliya, waxaana horey u jirey dhaliilo ah in xulkan faragalin weyn lagu sameeyay qaabka xulashadiisa kadib markii laga tagay cayaaryahanno muhiim u ahaa inay tagaan garoonka magalaada Muqdisho.

Cayaartooydii sannadkii hore koobka soo qaaday waxaa naadigan kaga jira 4 Cayaaryahan oo kaliya, waana sababta keentay in dad badan shaki galiyaan in Puntland mar kale noqoto horyaalka Soomaliya, waxaana xidigaha sabab la'aanta looga tagay oo la garowsaday inaan laga maarmi karin kamid ah Laacibka sita Numberka 3aad Cabdullaahi Gacmo oo shalay ka dhoofay magaalada Galkacyo.

Laacibkan inuu ka haro xulka markii hore  waxaa kasoo baxayay warar kala duwan oo qaybtood sheegayeen inay is hayaan tababaraha, halka kuwo kale tilmaamayeen in lagu reebay nidaam qabiileysiga oo kooxdaan lagu soo xuley, balse lagama maarmaan noqotay in dib loogu baahdo. Xidigan ayaa hadal hayntiisu baraha bulshada qabsatey kadib markii la arkay hab-ciyaareedkii xulka Puntland soo bandhigey cayaartoodii ugu horeysay waana sababta loo aanaynayo in dib loogu yeero.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahamsan nidaamka qabaliga islamarkaana ku saleysan goboleysiga ee sanadkaan lagu soo xuley kooxdaan ay mas'uul ka yihiin saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, wasiirka wasaaradda Cayaaraha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed iyo Agaasimihiisa Axmed Tigaana.

Wararka uu helay GO, ayaa sheegaya in Madaxtooyada codsatey in xulka lagu daro cayaaryahanno kasoo jeeda gobolka Mudug maadama sannadkii hore laacibiinta la qaaday ay u badnaayeen kuwa lagasoo xulay magaalada Garoowe laakiin sida aan ogaaney Cayaartoydaan ayaa kasoo kala jeeday deegaano iyo gobolo kala duwan iyagoo isugu dhafnaa sidoo kale dhamaan beelaha wada daga Puntland.

Taasi waxay dhabada u xaartay in mas'uuliyiinta wasaaradda iyagoo ka duulaya dalabka Madaxtooyada ay ku dadaalaan sidii gobollada ay kasoo jeedaan iyaguna looga keeni lahaa Cayaartoy xulkan kamid noqota, waxaana arrintaasi keentay in meel loo waayo Xubno muhiim u ah Puntland.

Agaasime Tigaana isagoo ka jawaabayay eedaynta ah inay ka tageen cayaartoy muhiim u ah koobkan waxa uu ku jawaabay, in taasi aysan cudur-daar noqon doonin islamarkaana muhiim tahay in tartankan ka qayb galaan guud ahaan cayaartoyda Puntland.

Marka la eego qaabkii Tabaraha xulka Puntland u maamulay cayaartii ugu horeysay ee kooxdaan, waxaa muuqatay inuusan u madax bannaanayn doorashada laacibiinta u dheelaysa sida ay qabaan khubarada cayaaraha iyo qaar kamid ah Tabarayaasha naadiyaasha heerka koowaad ee Puntland oo la hadlay GO.

Dhinaca kale, Warsidahan ayaa ogaaday in Tababare Ciiro gabi ahaanba laga xayuubiyey awoodii xulashada cayaartooydaan iyadoo loo yeeriyey liiska dadka la qaadanayo.

Xulka Puntland ayaa Barri cayaari doona is-aragoodii 2aad iyagoo ka hor imaanaya dhigooda Koonfur Galbeed, waxaana ku xiran natiijada HirShabeelle oo hadii Puntland game-kaas looga badiyo 2 ama 3 Gool waxaa tareenka ka dhici doona naadiga difaacanaya koobkan kaasoo fursad siin doona naadiga kasoo socdaalay Jowhar.

Dalka Soomaaliya oo kamid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan caalamka ayaa horay musuqu intiisa badan ku koobnaa arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, balse Cayaaraha waxaa loo arkayay inay yihiin wax ku salaysan is-faham iyo kala doorashada cida muhiimka ah, waxaana arrintani soo if-baxday xilli wasaaradda Isboortiga ee maamulkaan ku fashilantay inay si hufnaan ah ku dhamayso horyaalkii kooxaha heerka 1aad ee Puntland, kaasoo ay ka dhacday fadeexad keentay in kooxo badan laga saaro koob ay markii dambe qaaday koox ka dhisan Boosaaso.

Wasaaraddan ayaa sidoo kale ku fashilantay inay hormariso mudadii ay jirtay garoomada Cayaaraha Puntland, taasoo keentay inay martigalin waydo cayaaraha maamulada Soomaaliya, waxaana guud ahaanba deegaanada Puntland aan ku oolin Garoon Caws ama roog ah oo lagu qaban karo tartan, halka maamullada kale ee dalka sida Somaliland, Jubbaland iyo Muqdisho laga hirgaliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM