Musuqmaasuqa Qanadaraasyada Puntland iyo dhismaha Mashruuca wadada isku xirta Garowe Galkacayo

Image

GAROWE, Puntland-  Waxaa dhowaan la filayaa in hay'da wadooyinka Puntland ' PHA' soo bandhigto shirkada  ku guuleysata dhismaha qayb kamid ah wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Galkacayo taasoo maalgalinteeda bixineyso Midowga Yurub.

Mashruuca dhismaha wadada Laamiga ah ee isku xiraysa Garoowe iyo Galkacayo oo qayb ahaan la dhisayo 80km oo ah inta u dhaxayso Tuulo Jalam ilaa xarfo ayaa hay'ada wadooyinka Puntland waxay dadaal badan u gashey iney qandaraaska qaataan Shirkadaha maxaliga ah taasoo welwel weyn ka muujiyeen saraakiisha Midowga Yurub oo qayb ka ah Mashruucaan. Welwelkaan ayaa salka ku haya awooda Shirkadaha maxaliga qalab ahaan iyo aqoon u leeyihiin in Mashruucaan noqdo mid sidii loogu talagley u hirgala.

Shirkadaha soo dalbadey in 80km dhisaan oo kusoo harey liiskii ugu dambeeyey ( Short List) kuwasoo warsidaha GO ogaadey ayaa waxaa kamid ah ALBAASHAT,  SUNDUS , EL GAAR, IS-XILQAAN iyo JIPCON.

Qaar ka tirsan shirkadahaan ayaa xiriir dhow la leh guddiga qandaraas bixinta Puntland,  madaxa hay'ada dhismaha wadooyinka Puntland iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Puntland iyadoo wararka qaar sheegayaan iney saamiley ka yihiin.

Hay’adda Qandaraas bixinta Dowladda.

Cilmi-baaris ay dhowaan sameysay Jaamacada PSU ee Garoowe intii u dhaxeeysa December, 2015 ilaa April 2016 kadib markii  xogo laga ururiyay fikradaha  bulshadda qaybaheeda kala duwan ka qabto noocyada musuqmaasuqa ka jira Puntland ayaa lagu ogaaday heerka uu marayo Musuqmaasuqa saameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Warbixintaan ayaa lagaga hadlay sida musuqmaasuqa u saameeyey hay'daha dowlada iyadoo si gaar ah u tilmaantey hay'dda qandaraas bixinta dowlada taasi oo lagu sheegay in xubnaha dowladda wakiilka uga ah qandaraasyada ay la wadaagaan xogta qandaraasyada kaliya xubnaha ay isku qabiilka yihiin ama ay saaxiibada yihiin taasi oo meesha ka saaraysa in la helo Shirkado iyo hay’ado badan oo awood u leh fulinta iyo taaba galinta qandaraaska.

Sida lagu sheegay Cilmi-baarista qandaraas qaatayaashu waxay laaluush (Bribes) wakiilada dowladda ee xogta qandaraaska u gubiya siiyaan iyadoo qandaraas qaatuhu bixiyo laalushkaan marka la saxiixo qandaraaska lacag ku salaysan wadarta guud ee ku baxaysa qandaraaska.

Waxaa jira saddex marxaladood oo musuqmaasuqa qandaraasyada la xiriira uu u dhaco waxaana ka mid ah; baahinta qandaraaska, qiimaynta iyo kala saarka dadka/hay’adaha ugu haboon ee fulin kara qandaraaska (Advertisment, shortlisting, Checking eligilibity).

Musuqmaasuqa lagu sameeyey qandaraaska Mashruuca wadada Jalam ilaa Xarfo

Mashruuca dhismaha wadada Laamiga ah ee isku xiraysa Garoowe iyo Galkacayo oo qayb ahaan la dhisayo 80km oo ah inta u dhaxayso Tuulo Jalam ilaa xarfo, waxaa uu noqonaya  mashruucii labaad ee ugu weynaa ee Puntland hesho muddo 25 sanno ah, waxaana ku baxaya lacag lagu qiyaasey 6 milyan oo dollar taasoo ay bixiyeen Midowga Yurub.

Mashruucan oo wadamada Midowga Yurub wakiil uga tahay Hay’da GIZ ee dalka Jarmalka ayaa markii hore la qorsheeyay in si furan  ugu tartamaan shirkadaha Caalamiga ah ee wadooyinka dhisa iyo kuwa wadaniga ah ee dalka ka howlgala, balse qorshaasi waxaa diiday oo is-hortaagey Agaasimaha Hay’adda Wadooyinka Puntland PHA  Maxamuud Cabdinuur Aadan kaasoo ku qanciyay dowladda iyo deeq bixiyayaashiiba in dalka gudihiisa laga heli karo shirkado isgaashaanbuuraystay oo leh Khidbarad, waayo aragnimada, xirfadda ay ku dhisi kara wado dhererkeedu yahay 80km kuwasoo ku tilmaamey iney haystan qalabka  iyo injineero ajnebi ah.

Aqoonyahano ku takhasusey dhismaha wadooyinka noocaan ah kuwasoo ay marayaan gadiid culus ayaa qaba in Shirkadaha ka jira gudaha dalka kuwasoo ku guuldareystey iney sidii la rabey u hirgaliyaan mashaariicda jidadka magaalooyinka Puntland hirgalin karaan Mashruucaan balse arinkaan waxaa ganafka ku dhuftey madaxda hay'adda wadooyinka iyo madaxtooyada kuwasoo gacansaar dhow la leh shirkadaha soo dalbanaya qandaraaskaan.

Yaa Maamulaya Qandaraaska Wadada Galkacayo? 

Sida ku qoran heshiis ay wada-gaareen dowladda iyo Midowga Yurub , waxaa mashruuca si wadajir u fulinaya hay’adda wadooyinka Puntland ee PHA iyo hay’adda GIZ oo wakiil u ah Midowga Yurub iyadoo si wadajir u ah maamuli doonaa sanduuqa tartanka qandaraaska ee qiimaynaya shirkadaha hay’adda PHA iyo GIZ. 

Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay, Agaasimaha PHA, wuxuu bedelay qorshihii hore loogu heshiiyay oo ogolaanayey in dhowr shirkadood  wada fuliyaan dhismaha wadadaan, balse wuxuu ku bedelay in Hal shirkad ay qaadan karto qandaraaska. Taasi waxay cabsi iyo welwel ku riday 7 shirkadood oo ka mid ah shirkadaha qandaraaska soo dalbaday, kuwasoo cabsi ka qaba in waqti hore si hoose Loola heshiiyay Hal shirkad oo kaliya. 

Qandaarka Dhismaha Wadada Galkacayo waxaa kaloo si weyn ugu leh ninka lagu magacaabo Cabdiqani Dhaashane oo markii hore ahaa agaasimaha waaxda mashaariicda ee Madaxtooyada, ka dibna loo magacaabau Xoghayaha Guddiga Qandaraasyadda Puntland oo isagu dhinac Madaxtooyadda ku xiran, isku jifi hoosaadna  yihiin Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. 

Ninkan ayaa labadii sanno u dambaysay wuxuu sidii uu doono u maamulayay dhammaan qandaraasyada dowladu hesho iyo kuwa hay’adaha caalamiga ahi ay bixiyaan.

Dhaashane ayaa ka war qaba dhamaan dhaqadhaqaaqyada hay'adaha calamiga ah iyo kuwa maxaliga ah isagoo cabasho badan ka muujiyaan saraakiisha hay'adaha kuwasoo mar-mar qaarkood hanjabaado u gudbiya hadii aysan la socodsiin howlaha ay u joogaan Puntland gaar ahaan magaalo madaxda.

Shirkadaha Dalbaday Qandaraaska.

Sida ay sheegeen Guddiga Qandaraasyada dowladda iyo Hay’adda PHA, ilaa 9 shirkadood oo wadani ah ayaa soo codsaday qandaraaska dhismaha, waxaa ka mid ah shirkadda Al-baashit oo uu leeyahay Ganacsada John Yaardi, shirkadan ayaa hore u soo dhisay buundooyin, oo ugu dambaysay labo buundo oo ay ka dhistay inta u dhaxaysa Kalabayr ilaa Bosaso, Waxay kaloo dhawaan qaadatay mashruuca lagu dhisayay dhisme Labo dabaq ka kooban oo laga dhisay Dekeda Bosaso, kaasi oo lacagtii ku baxday ay gaaraysay Sideed Boqol kun dollar.

Shirkadan oo xiriir fiican la leh qaar ka mid ah madaxda Hay’da Qandaraasyada dowlada, waxa sidoo kale dowladu siisay dhowr mashruuc oo kale oo ay ka mid tahay dhismaha suuq Cusub oo Bosaso laga dhisayo.

Shirkadaha u tartamaya qandaraaskan waxaa ka dhex muuqata

ELGAR oo shirkadii u horraysay ee laami ka dhista dalka, balse muddooyinkii u dambaysay waxaa ku dhacay dib-u-dhac, ka dib markii ay ku fashilantay Dhismaha Wadada Jidka sodonka ee magaalada Garoowe, waxaana la hakiyay qayb ka mid ah lacagihii qandaraas, waxayna taasi sababtay in Liiska Madow la galiyay oo laga mamnuucay mashaariicda JPLG. 

Gabagabadii, Wadada Gaalkacayo waa wadnihii dalka isku xiraayay, qof kasta oo mara dariiqaasina waa dareemi karayaa dhibaatadda ka jirta, mashruucan qiimaha uu dalka iyo dadka uu leeyahay waa mid weyn oo haddii la musuqmaasuqo oo lagu fashilmo waxay sababi kartaa in mashaariic badan oo Puntland la siin lahaa dib loola laabto Dowladda Puntland waxaa qaar kamid ah shacabka  u soo jeedinayaan in nidaamka qandaraasyada sidooda loo raaco oo la dabakho hababka iyo qaababka wanaagsan ee la xiriira Faafinta, qiimaynta, iyo bixinta qandaraasyada dowladda. Waxaa kaloo dadweynaha Puntland iyo inta jecel horumarka gobolkaan soo jeedinayaan in dib loo eego qaabka ay u shaqayso Hay’adda Qandaraasyada dowladda Puntland.

W/D: GAROWEONLINE & Cabdiraxman Omar

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM