Nuxurka shirka jaraa'id ee Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho tariikhi ah ku tagay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Masuuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweyne ah ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Dani ayaa sheegay in ay tahay maalin weyn oo Madaxweynaha Jubbaland uu booqasho taariikhi ah ku yimid Boosaaso taas oo cadayn u ah iskaashiga iyo Xiriirka wanaagsan ee labada dhinac ka dhexeeya.

Waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada shaqaynayaan ilaalinta iyo dhaqan-galinta hanaanka Federaalka ah iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

"Puntland iyo Jubaland waxay ka mideysan yihiin ilaalinta nidaamka federaalka, xaq-dhowrka xeerarka iyo dastuurka, geedi-u-socodka siyaasadeed iyo la dagaalanka argagixisadda," ayuu yiri.

Madaxweyne Dani ayaa xusay in Jubbaland lagu yaqaano Sida ay uga shaqayso Midnimada Shacabka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leedahay dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada taas ayuuna sheegay inay tahay wax weyn loo in lasii joogteeyo u bahaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in mudo dheer kadib ay tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado Boosaaso oo ka badalan sidii uu ku yaqaanay waxaa uu sheegay in ay hormar la taaban karo samaysay Magaaladu.

"Waxaan jecelnahay in aan kawada hadalno danta guud ee Soomaaliya; iyaddoo Puntland ay tahay hooyadii federaalka, ilaaliyaha federaalka iyo nidaamka dowladeed ee aan ku jirno oo ay gun-dhig u ahayd".

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay ka wada shaqayn doonan sidii loo sii adkayn lahaa xiriirka labada dhinac ee iskaashiga ku dhisan iyo sidii ay door muuqda uga qaadan lahayeen hormarka dalka gaar ahaan Arimaha nabadgalyada iyo Federaalka oo ay tahay in lasii xoojiyo sida uu Madaxweynahu sheegay.

GO + Madaxtooyada Jubaland

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM