Nuxurka warqad furan oo loo diray madaxda DF, maamuladda iyo UN-ka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba Senator oo ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad furan u diray madaxda dowladda dhexe, maamuladda iyo madaxa howlgalka Qaramadda Midoobay.

Ugu horeyn, warqadooda ayay ku sheegeen in dalka wajahayo jahwareer siyaaaadeed tan iyo markii afhayeenka Aqalka Hoose uu "si sharci darro ah" u eryay ra'iisul wasaaraha iyaddoo uusan jirin mooshin, talaabadaas oo ay ku qeexeen mid baalmarsan dastuurka ku meelgaarka ah.

Iyagoo tibaaxay in heshiis aan laga gaarin nooca doorashadda ay wiiqeyso horumarka dalku gaarey, talaabadadii xilka looga qaadey Xasan Cali Khayre ayay hoosta ka xariiqeen in ay abuurtay hubanti la'aan la xiriirta natiijadii kasoo baxdey shirkii Dhuusamareeb ee looga heshiin lahaa nooca coddeynta 2020-21.

Xilli ay tibaaxeen in dalka uusan u baahneyn go'aano hal dhinac ah, carabkana ku dhufteen in ay jirto waaya aragnimo laga dhexlay kana mid tahay sababihii ay u burburtay dowladdii kacaanka, kana digeen u adeegida dano shisheeye ayay adkeeyeen in ajande Soomaaiyeed la xoojiyo.

"Soomaaliya ma xamili karto in ay u burburto ficilada siyaasadeed ee qar-iska-tuurnimada khaswadayaal aad u tirro yar," ayay soo qoreen.

Kordhinta Aqalka Hoose ku sameeyay Senate-ka ayay ku sifeeyeen "sharci darro". Talaabooyinka xukuumadda ku meelgaarka ah ku ansixineyso go'aanada sharciyeed oo ay kamid tahay magacaabida Golaha Adeega Garsoorka iyo Hay'adda Batroolka ayay xuseen in ay carqaladeynayaan shirka Dhuusamareeb.

"Hadii Soomaaliya kusii jirto kala taag-taaga dhaba-dheeraaday, shirka Dhuusamareebna arrimaha muhiimka ah ee jira looga gaari waayo heshiis siyaasadeed, dalka wuxuu halis ugu jiraa in uu galo jahwareer siyaasadeed oo baabi'iya horumarka aan gaarney," ayay raaciyeen.

Mudaneyaasha ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo wadadii looga gudbi lahaa hanaanka awood qeybsiga 4.5, kaasoo ay xuseen in uusan cadaalad ahayn isla markaana heshiiskaas siyaasadeed uu ku koobnaa doorashadii 2016-kii. Kadib afti dadweyne, Puntland ayaa nidaamkaas ka guurtay isla sanadkaas.

Ugu dambeyntii, sharci-dejiyeyaasha ayaa farta ku fiiqay "xadgudubka" lagu sameeyay habka dib-u-eegista dastuurka, kaasoo dastuurka xeerinayo in ay si wadajir ah u sameeyaan dowladda federaalka iyo maamuladda, arrintaas oo aan jirin, waxayna qireen in aysan waxba ka jirin shaqooyinka la qabtay.

Senatorada warqadaan furan u diray hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya iyo wakiiladda Beesha Caalamka ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland, iyo Cabdirisaaq Cusmaan Jurile.

Hoos ka akhriso warqadda

Image

Image

Image

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM