​Puntland: Arrimaha Saxaafadda Somalia oo Garowe looga hadlay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan ay isugu yimaadeen wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland, ururka MAP, mulkiilayaasha warbaahinta qaarkooda iyo wariyaasha ka howl-gala magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa looga hadlay muranka ka taagan hogaanka NUSOJ iyo sagootin loo sameeynayay Faysal Khaliif Barre oo ka mid ah guddi sagaal xubnood ah oo loo saaray khilaafka hogaanka ururka saxafiyiinta Somaliyeed. Shirkan oo ka dhacay Garowe, ayaa lagu muujiyay sida looga xunyahay khilaafka soo cusboonaaday ee ka taagan hogaanka sare ee ururka ku midaysanyihiin saxaafiyiinta Somaliyeed.

Agaasimaha Guud ee TV-ga dowladda Puntland Daahir Aflow, Mulkiilaha Mareegta Garowe Online iyo Radio Garowe, Maxamed Cabdiraxmaan Farole,  mulkiilaha warbaahinta SBC, Cali Cabdi Awaare, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay murankan iyagoo xubinta Puntland uga qayb galaysa xallinta khilaafkaasi kula dar-daarmay inuu Muqdishu kala soo laabto waxyaabo dani ugu jirto warbaahinta Somaliyeed gaar ahaan Puntland, waxayna dhinacyada is-khilaafsan usoo jeediyeen inay eegaan danta Wariyaasha ku shaqaynaya marxaladda adag. Wariyaasha ka qayb galay kulankan, ayaa dhankooda soo jeediyay dareen xambaarsan sida ay ugu xunyihiin arrinta ka dhextaagan hogaanka NUSOJ. 

Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP, Faysal Khaliif Barre, ayaa dhankiisa cadeeyay in muddo ka arrinsanayeen sida ay ka yeeli lahaayeen khilaafka taagan, wuxuuna sheegay in kaalin ka qaadan doonaan qaabkii is-qabqabsigaasi lagu soo afjari lahaa.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Puntland, Maxamud Xasan Soocadde oo shirka soo xiray, ayaa tilmaamay in wasaaradiisu aqbali doonto go'aanka uu Muqdishu kala soo laabto wakiilka u matalaha oo ah Faysal Khaliif Barre, gudoomiyaha MAP.

Arrintan, ayaa timi kadib markii uu soo cusboonaaday khilaaf ka dhex aloosan laba shakhsi ee isku haysta talada NUSOJ (Maxamed Ibrahim Bakista iyo Cumar Faruq Cusman),kaasi oo maxkamadda sare u xukuntay, waxaana howshaasi soo kala dhexgashay dowladda Somalia oo magacowday guddi ka shaqeeya xallinta khilaafka labadaasi mas'uul. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM