Puntland: Banaanbaxyo ka dhacay Garowe iyo Dangoroyo [Sawirro+Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Bannaanabaxyo looga soo horjeedo joogista maamulka Somaliland ee gobolka Sool islamarkaana lagu taageerayay ciidamada Puntland ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Garoowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Shacabka wata calamada Puntland iyo Soomaaliya ayaa socod dheer ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinkaasi, waxayna ku dhawaaqayeen eroyo taageero u ah ciidanka ku sugan Jiida hore iyagoo ku ammaanay doorka ay ka qaateen ilaalinta iyo difaaca Puntland.

Dadweynahan oo iskood isu soo abaabulay ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xunyihiin dhibaatada ka taagan degmada Laas-caano ee gobolka Sool, waxayna sheegeen in maalin uun ay xoriyadooda heli doonaan shacabka halkaas ku nool.

Waxay tilmaameen inay aad uga xunyihiin waxa ka soconaya Laas-caano oo ay sheegeen inay isugu jiraan, jirdil, xarig, caburin iyo Caga-juglayn lagu hayo shacabka.

Ciidanka ayay ugu baaqeen inay gutaan waajibaadkooda qaran islamarkaana xoreeyaan gobollada maqan.

Dadweyne kala duwan oo goobaha la isugu yimid ka hadlay waxay sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaameen qodobka Somaliland u cuskatay joogisteeda Laas-caano waxayna sheegeen in Gumaystihii waddanka soo maray uusan xaq u lahayn bixinta xadka lagu muransanyahay.

Qaar kale waxay sheegeen in gobolka walba oo kamid ah 18 gobol ee Soomaaliya uu leeyahay xad la aqoonsanyahay sidaas agteed Somaliland ay xaq u leedahay inay tagto xadka Sool iyo Togdheer.

Bannaanbaxyadan ayaa yimid xilli ay taagantahay xiisad u dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland, taasoo cirka isku shareertay markii ciidamo katirsan maamulka Hargaysa ay qabsadeen degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM