​Puntland: Doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lasoo gaba gabeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa hoolka Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe, lagusoo afmeeray doorasho waqti badan qaadatay oo loogu codaynayay murashaxiinta xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee dowladda Federaalka Somalia kuwaasoo gaaraya 11 kursi.

Xildhibanada Puntland, ayaa codka kalsoonida siinayay murashaxiin kala duwan oo ku loollamayay xubnaha Puntland ka heshay Aqalka Sare.

Doorashada, waxaa kusoo baxay xubno la saadaalinayay iyo kuwo kale oo si lama filaan ah uga guulaystay shakhsiyaad ay dowlladda Puntland wadatay, waxaana xubnaha la doortay kala ahaayeen;

  1. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake
  2. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole
  3. Prof. Cabdirasaaq Xasan Cismaan Juriile
  4. Farxaan Cali Xuseen
  5. Cabdisalaam Xaaji Maxamud Dheere
  6. Mahad Sheekh Nuur
  7. Hodan Maxamud Cusmaan
  8. Bootaan Barre Bootaan
  9. Maxamud Axmed Maxamuud (Mashruuc)
  10. Siciido Xasan Cismaan
  11. Iyo Shukri Aadan Maxamed.

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowladda Federaalka Somalia ee heer Puntland, ayaa hambalyo u diray dhammaan xubnaha guulaystay, iyagoo kuwa laga guulaystayna ku tilmaamay shakhsiyaad muujiyay karti iyo xufnaan.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, ayaa Xildhibaanada ku ammaanay siday u kala saareen shakhsiyaadkii tartamay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, oo munaasabadda soo xiray, ayaa sheegay inay tahay guul usoo hoyatay shacabka iyo dowladda Puntland doorashada xubnaha Aqalka Sare, wuxuuna intaasi ku daray inay noqdaan xubno matala meesha laga soo doortay maadam Federaalka waxna lawada leeyahay qaybna gaar loo leeyahay.

Xubnahan ayaa lagu dhaarin doonaa magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia.

Doorashada, xubnahan ayaa timid maalin kadib markii Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Xildhibaanadoodu u codeeyeen xubnahooda Aqalka sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM